4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Golaha Wasiirrada Somalia oo kulan ka yeeshay Digniintii Britain, Ammaanka Muqdisho iyo Howlaha Xukuumadda

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-gudoominayay ku simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka garsoorka, cadaalada iyo arrimaha diinta, C/llaahi Abyan Nuur, iyadoo kulanka looga hadlay digniintii Britain ay kasoo saartay amaanka Muqdisho, iyagoo sheegay inaysan khatari ka jirin xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirka kaddib ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdishakuur Cali Mire isagoo xusay in shirka looga hadlay arrimo ay ka mid tahay ammaanka Muqdisho.

“Qodobbo badan oo la xiriira arrimaha dalka iyo howlaha xukuumadda ayaa shirka looga hadlay, waxaana intii uu shirku socday warbixin laga dhagestay wasaaradda arrimaha gudaha, iyagoo sheegay in amaanka caasimadda uu aad u wanaagsan yahay, hay’adaha amnigana ay laba-laabayaan howlaha amniga lagu sugayo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiir ku xigeenku in laga hadlay digniintii ay dowaldda Ingiriisku kasoo saartay Muqdisho, isagoo sheegay in wasiiraddu ay isku af-garteen in Britain ay tahay dowlad weyn ayna uga digi karaan muwaadiniintooda meelaha khatarta u arkaan, balse hadda aysan ka jirin Muqdisho khatar lagu waxyeelleyn karo shisheeyaha dalka imaanaya.

“Muqdisho kama jiraan wax ka badan wixii dhici jiray, mana jiraan khatar noo muuqata oo kusoo wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Dhanka kale, wuxuu sheegay wasiirku in laga hadlay misaaniyaddii ay horay u soo bandhigay miisaniyaddii deg-degga ahayd bilihii sannadkii hore 2012 uug dambeysay, in laga dooday lana ansixyay sidii ay miisaaniyadaas ku baxday, isagoo sheegay in hay’adaha kale ee arrintan xiriirka la lehna loo gudbin doono.

Ugu dambeyn, golaha wasiirradu waxay isku raaceen in garoonka diyaaradaha ee Baydhabo loo bixiyay magaca Shaati-guduud oo ahaa siyaasi dhawaan ku dhintay dalka Jarmalka, laguna aasay shalay Baydhabo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya