4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Tallaabo laga qaadayo cid walba oo carqalladaysa Baaritaanka Shidaalka

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta soo saaray amar wax lagaga qabanayo ciddii ka hor timaadda shirkadda Shiidaalka ka baadhaysa deegaano ka mid ah Bariga Somaliland.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha amaanka ku wargaliyey inay talaabo ka qaadaan cidii hor istaagta shirkadaha dalka ka baadhaya macdanta iyo shiidaalka, ka dib markii deegaanadii laga baadhayey shiidaalka laga hor istaagay, isla markaana Odayaashii deegaanku shirkaddii baadhaysay shiidaalka ku qasbay inay dadka deegaanka ka shaqaalaysiiyaan shaqooyinka ay hayaan.

“Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1689/042013 taas oo ku saabsan khayraadka dabeeciga ah ee Dalka”ayaa lagu yidhi war-saxaaxafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaana intaas lagu daray “Xukuumaddu waxay xil mug iyo miisaan leh iska saartay sidii loo manaafa-caadsan lahaa Khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan Dalka. Sidaas awgeed, sida aad ka warhaysaan waxa dalka ka socda baadhitaanno lagu sahaminaayo Khayraadka ku jira Dalka; sida shidaalka iyo Saliidda, kawaas oo ka mid ah hantida Guud ee Dalka”.

Madaxweynuhu isagoo faahfaahina waxa uu yidhi “ Sida ku xusan Dastuurka Somaliland Qodobka 12aad, Faqradiisa 4aad, Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka waxa mas’uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa’iidaysto Khayraadka ku jira berriga iyo badda. Bulshada Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan habsami-u-socodka Shaqada, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee Shaqada ku hawlan”.

“Waxaan farayaa Hay’addaha ay wareegtadani khusayso, inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda dhaq-dhaqaaq diidmo oo beelaysan, deegaamaysan iyo abaabul kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah”ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay madaxweynuhu.

Si kastaba ha ahaatee, shirkad baadhaysa goobo lagu tuhunsan yahay in shiidaal ku jira, ayaa waxa ka hor yimid madax dhaqameedka deegaanadaasi, kuwaas oo doonaya in laga shaqaalaysiiyo dadka deegaanka, isla markaana laga talo galiyo hawlaha baadhitaan ee shirkaduhu wadaan, halka qaarkoodna ay ka shakisan yihiin in sun loogu aasayo deegaanadood.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland