4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2013
Qaramada Midoobay oo shaacisay inay Dowladda Soomaaliya ka Caawinayso baabi’inta Kufsiga loo geysto Haweenka


Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee ka hortagga galmada sharci-darrada ah, Saynab Hawa Bangura oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii lagu baabi’in lahaa kufsiga haweenka.

Bangura ayaa waxay kulan la qaadatay taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo qaybo ka tirsan bulshada rayidka ah, iyadoo ka dhageystay dhibaatooyinka loo geysto haweenka oo uu ka mid yahay kufsiga.

“Waxaan go’aansaday inaan safar ku imaado Soomaaliya, maxaa yeelay Soomaaliya waxay ka baxaysaa sannado badan oo colaado ay ka jireen. Halkan waxaan ka caddeynayaa in xafiiskeyga uu ka caawinayo dowladda Soomaaliya sidii loo baabi’in lahaa xadgudubyada haweenka loo geysto sida kufsiga,” ayay Bangura ku sheegtay shir jaraa’id oo ay ku qabatay xerada Xalane.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay tiri: “Xukuumadda waan kala hadlay arrintan, waxaana furmay wadashaqeyn looga hortagayo kufsiga lagula kaco haweenka. Runtiina taas waa tallaabo wanaagsan oo lagu yareynayo dhiba loo geysto haweenka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, waxay ka hadashay xariga loo geystay suxufi horay u shaaciyay warbixin ku saabsan kufsi loo gystay haweeney ku jira xero bakac, iyadoo sheegtay in taasi ay ahayd mid aan loo baahnayn, iyadoo wariyeyaasha ku boorrisay inay tabiyaan wararka ku saabsan arrintan, tasaoo ay sheegtay inay qayb tahay qorshaha lagu joojinayo kufsiga.

“Wariyeyaasha ka hadlaya, qoraya ama tabinaya sheekooyinkan oo kale waa mid fududeynaysa in la gaaro yoolka arrintan la doonayo in laga gaaro. Haddii aan la helin saxaafad xor ah iyo baaritaan dhab ah, ma gaaranayno hadafka aan arrintaan ka leenahay,” ayay tiri Hawa Bangura.

Ugu dambeyn, sarkaaladdu waxay sheegtay in xafiiskeeda ay u soo sarayso Soomaaliya marka la gaaro July 2013, si ay uga barbar shaqeeyaan taliska booliiska Soomaaliya iyo midka milateriga si loo siiyo ciidamada tababarro ku saabsan ka hortagga kufsiga iyo colaadda ka dhanka ah haweenka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya