4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Weerarro kala duwan oo lagu Qaaday Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir


Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal hubeysan kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro kala duwan oo maanta lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne.

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in weerarradii lagu qaaday maxkamadda gobolka ay ku dileen 27-qof oo isugu jiray ciidammo iyo shaqaalihii maxkamaddaas uuna weerarkoodu ahaa mid ku dhammaaday guul.

“Mujaahidiintu waxay weerar ay ugu magacdareen burburinta kufriga ku qaadeen maxkamadda gobolka Banaadir oo uu ku sheegay meel ay ka dhici jireen xukunno diinta islaamka kasoo horjeeda; dad badan oo aan dambiyo lahaynna lagu xukumay, waxaana weerarkaas uu u dhacay sidii loogu talo-galay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabab wuxuu sheegay in muddo saddex  saac ah ay gacanta ku hayeen dhismaha maxkamadda gobolka,markii dambena ay isaga baxeen, isagoo aan sheegin khasaaraha kasoo gaaray.

“Weerarkan wuxuu ahaa mid lagu beegay xilli ay kulammo lahayeen kuwa isku sheegaya inay yihiin garsoorayaasha maxkamadaha, xilligaas waxaa ku sugnaa halkaas ciidammo fara badan oo sugayay ammaanka mana jirin dad shacab ah oo goobtaas ku sugnaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay inay soo abaabushay Al-shabaab, waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu sheegay in halkaas ay ku dileen sagaal nin oo weerarka soo qaadday, kuwaasoo qaar ka mid ah ay is-qarxiyeen intii uu dagaalku socday.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay inuu ahaa mid argagaxiso oo la doonayay in lagu niyad-jabiyo shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddooda, balse aysan taas ku niyad-jabayn oo howlaha amniga lagu sugayo ay sii socon doonaan.

Al-shabaab kama aysan hadlin inay ka dambeeyeen iyo in kale weerar kale oo ismiidaamin ah kaasoo lagu dilay laba ruux oo u dhashay dalka Turkiga, sidoo kalena ay ku dhimatay haweeney Soomaailyeed, laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya