4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka wrabixiyay safarro uu ku tagay waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya (SAWIRRO)


Axad, Abriil 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii ugu dambeeyay booqashooyin ku marayey dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho, isagoo ka warbixiyay safarkiisa.


Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ahaa: ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda.

Ra’iisul wasaaraha oo saxaafadda kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in safarradii uu kusoo maray  daalalkii uu booqday ay guul kusoo dhamaadeen, isagoo intaas ku daray in dhammaan dalalkii ay tageen ay kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka kala dhexeeya Soomaaliya.

“Waxaan safar shaqo kusoo maray dhowr waddan oo ciidammo ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana ka wadahadalnay dhinacyada ammaanka, la dagaalanka argagaxisada iyo iskaashiga dhanka siyaasadda,“ ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay, isgaoo intaas ku daray inuu kula kulmay dalalkaas uu soo soo dhaweyn aad u ballaaran.

Safarka uu ra’iisul wasaaruhu ku tagay dalalka dariska wuxuu qayb ka yahay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii ay ula samayn lahayd xariir  wanaagsan oo dhan kasta ah,  wuxuuna uga mahad-celiyey waddamadii uu safarka ku tagay sida ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed una garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya