4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2013
Ciidammo Gadoodsan oo Jid-gooyooyin Dhigtay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
Axad, 14 April, 2013 (HOl) :- Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta jidgooyooyin dhigtay inta badan wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo, iyadoona uu gabi ahaanba manta xiranyahay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka jiray magaalada.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Militariga ayaa waxa ay jidgooyooyin dhigteen wadooyinka aada Dakadda iyo Airportka magaalada, iyagoona sidoo kale amar ku siiyay ganacsatada suuqyada magaalada Kismaayo in ay xiraan ganacsigooda.

"Gaadiidkii waa istaageen, dhamaan goobihii ganacsina waa la xiray, waxaana la maqlayaa rasaas badan oo ay ridayaan ciidamadan jidgooyooyinka dhigtay gudaha magaalada," sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo HOL qadka teleefonka ugu waramay.

Askarta jidgooyooyinka dhigtay ayaa ka careeysan mushaar la’aan, sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Kismaayo, waxaana xaaladda guud ee magaalada Kismaayo ay maanta tahay mid uu ka jiro bandow.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ee Kismaayo oo ka hadlay ciidamada jidgooyooyinka dhigtay gudaha magaalada, waxaana arintani ay saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Soomaaliya.