4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Magaalada Bujumbuura kulan kula yeeshay Madaxweynaha Burundi (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza waxayna kawada hadleen arrimaha iskaashiga labada dal, gaar ahaana amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Kulankan ayaa qayb ka ah socdaal uu ra’iisul waasaraha Soomaaliya ku xojinayo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomnaaliya. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Burundi, kaalinta weyn ee ay ciidamadoodu ka qaateen howlgalka AMISOM iyo hiilka walaalnimo ee ay u galeen ummadda Soomaaliyeed.

"Dawladda Burundi waxay noo muujisay soo dhaweyn diirran iyo walaalnimo aad baana uga mahadinaynaa xiriirka wanaagsan," ayuu yiri ra'iisul wasaare Saacid oo warbixin ka siiyay madaxweyne Pierre horumarada Soomaaliya ka muuqda iyo dadaalka ay ciidamadiisu ka geysteen dagaalladii lala galay Al-shabaab.

"Waa laga adkaaday kooxihii argagixisada ahaa ee Al-shabaab ee dhibaatada ku hayay shacabkeenna," ayuu ra'iisul wasaaruhu ku daray hadalkisa isagoo tilmaamay in si deg-deg ah looga sifeyn doono deegaannada yar-yar ee ay weli shacabka kusii dhibaateeyaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Burundi ayaa ra'iisul wasaaraha ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro soo celinta amniga iyo xasilinta Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyay booqashada uu ku tagay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

"Iskaashiga Soomaaliya iyo Burundi wuxuu horseedeyaa nabad lagu soo dabbaalo Soomaaliya iyo Afrika," ayuu yiri madaxweynaha oo tilmaamay in uu sii wadi doono taageerada dhinac kastaba leh ee uu la gara- taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa ra'iisal wasaaraha ku wehliyay wasiirkiisa difaaca, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi, Abshir Xasan Abshir Faarax iyo xubno la taliyeyaal ah.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Burundi, wuxuuna indha-indheeyay qaybaha safaaraddu ka kooban tahay. isagoo warbixin ka dhageystay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Burundi, Abshir Xasan Abshir.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraaan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya