4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Inj. Bashiir Axmed Maxamed oo sheegay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee Dowlad-goboleedka Jubbaland



Jimco, 12 April, 2013(HOL) :- Inj. Bashiir Axmed Max’ed oo kamid ah qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Jubooyinka ayaa sheegay in uu u taaganyahay xilka madaxweyninimo ee dowlad goboleedka la filayo in loo dhiso Jubooyinka.

Masuulkani oo wax kusoo bartay dalka dibadiisa ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee dowlad goboleedka Jubbaland uu ahmiyada 1-aad siin doono arimaha ay kamidka yihiin waxbarashada, caafimaadka iyo ammaanka.

Mar la weeydiiyay inta ay la egtahay rajada uu ka qabo in uu ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee dowlad goboleedka Jubbland ayuu yiri “Aad baan ugu rajo weynahay in aan ku guuleeysan doono, waxaana ku kalsoonahay in ergada reer Jubbaland ay codkooda isiin doonaan.”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay haween, odoyaal iyo dhalinyaro kamid ah taageeryaasha musharaxa, kuwaasoo sheegay in masuulkani uu yahay mid hadii la doorto la iman doona isbadal dhab ah, waa siday hadalka u dhigeene.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa imika ku sugan ergo kor u dhaafeeysa 500, kuwaasoo ka kala yimid sedexda gobol ee la isku yiraahdo Jubooyinka, waxayna ergadani ansixiyeen axdi KMG ah oo ay ku shaqeyn doonto dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in todobaadyada fooda nagu soo hayo ay doortaan madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya