4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2013
Buug ay qortay Drs. Xaawo Cabdi oo Minnesota lagu soo bandhigay (SAWIRRO)


Khamiis, April 11, 2013(HOL)—Waxaa ay ahayd habeen ay si weyn u wada sugayeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota in ay ka soo qeybgalaan bandhigga buugga ka hadlaya nolosha Drs. Xaawo Cabdi, oo ah haweenay u dhaqdhaqaaqda xaquuqda aadanaha, tobonaankii sano ee ay dagaalladu ka socdeen Soomaaliyana ka shaqeynaysay daryeelka dadka ku waxyeeloobay saameynta colaadda.

 

Kulanka buuggaan lagu soo bandhigayey oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybagalay dad aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota.

 

Xaawo Cabdi iyo Deeqo Mohamed, oo ah gabadheeda ayaa uga waramay dadkii halkaa isagu yimid taariikhdii xerada (camp) Xaawa Cabdi ee deeganka lafoole nolosha dadka ku nool, xaaladda waxbarashadda dhalaanka ku nool, iyo waxay kala kulmeen isbaddeladii siyaadsadeed ee dalka ka dhacay.

 


Xaawo Cabdi waxaa loo qoon-deenayaa in ay hesho Nobel Price haddii alle u garto. Xaawo ayaa ah shaqsi ay ka muuqato naxariis hooyonimo, dhaqatarnimo, Soomaalinimo , iyadoo mar walba ku fakaraysa qiimaha wadankeeda iyo dadkeeda ,waxay in badan ku celcelisay in nolosha maanta soomaaliya ay ka fiican tahay sanadihii lasoo dhaafay, waxay ku boorisay qurbo joogta soomaaliyeed in ay aqoontooda kusoo celiyaan dalkooda.

 

Waxaa xusid mudan in buuggii Xaawo Cabdi dhammaan laga iibsaday tiradii loogu talagalay gobokaan Minnesota, waana wax lagu farxo taasoo noo muujinaysa in dadka adduunka ay qadarin u hayaan magaca Xaawo Cabdi iyo waxqabadkeeda waxaa ay xustay in 22 sano ay Soomaaliya ka shaqeynaysay dowlad la’aanta wixii ugu xanuun badnaa ay aragto in uu ahaa hooyo dishay gabdheedii oo 22 jir ah sabab qabiil awgeed.







 


Siyaad Saciid Salaax, Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, Minnesota