4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdigiisa oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyay Magaalada Bujumbura ee Dalka Burundi (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 11, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray xarunta dalka Burundi ee Bujumbura, kaddib markii ay saakay ka ambabaxaan magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wafdiga ra'iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin wasiirka difaaca, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxaana garoonka Bujumbura si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Burundi, Gervais Rufyikiri, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xildhibaanno; waxaana garoonka salaan ku siiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi.

Mudane Saacid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in booqashadan ay qayb ka tahay booqashooyin uu kusoo maray dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, sida Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda, isagoo intaass ku daray in dalka Burundi oo isna qayb muhiim ah ka ah ciidamada AMISOM uu kala hadli doono arrimo ku aadan xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga  iyo horumarka labada dal.

"Dalka Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga ciidammo badan oo qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana doonaynaa inaan xoojinno xiriirkeenna, waxaana ka wada-hadli doonnaa arrimo badan oo quseeya nabadda iyo iskaashiga labada dal," ayuu yiri mudane saacid oo koox wariyeyaal ah kula hadlayay garoonka diyaaradaha Bujumbura.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in socdaalkiisa uu kusoo gabagabeyn doono dalka Burundi, isagoo soo maray dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya