3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 31, 2012
Askari ku toogtay Bartamaha Magaalada Baladweyne Taliyihiin Howlgalinta Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ayaa maanta bartamaha magaalada Baladweyne toogasho ku dillay taliyihii howlgalinta ciidamada maamulka Muumin Maxamed Maxamuud.

Sida uu u sheegay HOL afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof taliyaha ayaa waqtiga la dillay ku howlanaa qaadista jidgooyo halka lagu magacaabo Buundo-Liqliqato u tiilay koox uu ka tirsanaa askariga wax dillay.

"Askariga toogashada geystay waxaa uu ka madax adeygay amar uu siiyay taliyaha, waana tan keentay in uu marka danbe toogto, waa uu baxsaday, laakiin waa lagu raad joogaa," ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan.

Mar laga soo  tago muranka la sheegay in uu dhaxmaray askariga iyo taliyaha dhintay, ilaa hadda ma jirto faah faahin intaa ka badan oo laga bixiyay dilka taliyaha, waana markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada maamulka uu toogasho ku dillo sarkaal ka tirsan isla maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya











Click here
10/31/2012 8:07 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku ridday xukunno isugu jira xabsi iyo lacag ganaax ah laba nin oo bishii September ee lasoo dhaafay lagu qabtay qamri iyo xashiis fara badan, iyadoo xukunka labadan ruux lagu dhawaaqay markii dhageysiga dacwaddooda ay dhammaatay.

10/31/2012 6:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/31/2012 5:52 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) —Maamulka KMG ee Degmada Kismaayo ayaa maanta kulan ugu yeeray ganacsatada reer Kismaayo, iyadoona kulanka uu ka dhici doono xarunta degmada Kismaayo.

10/31/2012 3:49 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan ayaa xalay fiidkii ku dhexmaray deegaanka Goof-guduud ee duleedka degmada Baydhabo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo dagaalkan uu kusoo beegmay xilli ay ciidamada Itoobiya ka wadaan gobolka Bay dhaqdhaqaaqyo ciidan.

10/31/2012 3:38 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Saddex qof oo kasoo jeeda hal qoys ayay xalay biriqi ku dishay deegaan ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud kaddib roobab xoog badan oo ka da'ay degmadaas, iyadoo sidoo kalena biriqdani waxay dhaawacday laba qof oo isla qoyskaas ka tirsan.

10/31/2012 3:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) —Faahfaahin dheeri ah ayaa kazoo baxeyso qarax xooggan oo baramaha magaalada Kismaayo xalay lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda oo wax ka iibsanayay goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taal Xaafadda Calanleey.

10/31/2012 3:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Ururka horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA ayaa shalay oo Salaado ahayd kusoo bandhigatay xaruntooda Muqdisho buug ay ku faahfaahinayaan xuquuqda uu dastuurka KMG ah ee dalku siinayo haweenka iyo halganka ay haweenku u soo galeen sidii dastuur lagu heli lahaa.

10/31/2012 2:41 AM EST
Arbaco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) — Kooxo aan la garanayn ayaa xalay toogtay mid ka mid ah ciidamada booliiska Kenya mid kalena dhaawac u geystay kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidamadan oo howlo ammaanka lagu adkeynayay ka waday bartamaha degmada Gaarsiga ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya.