4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Xildhibaanadda Somaliland ee kasoo jeeda Gobollada Awdal iyo Selel oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiilada iyo Guurtidda ee gobolada Awdal iyo Selel, ayaa sheeegay in cabasho ay u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland aanay wax jawaab ah ka helin, isla markana ay hawadda u marinayaan cadaaladda darada ay ka tirsanayaan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo.

Xildhibaanada labadda gole u matala goboladda Awdal iyo Selel, ayaa si wada jir ah shirjaraa’id ugu qabtay maanta magaaladda Hargeysa, kuwaas oo baaq cabasho ah u diray madaxweynaha, iyagoo sheegay inay si degdeg ah jawaab uga sugayaan in waxyaalaha ay tirsanayaan wax laga qabto.

“Waxaanu maanta ka koobamnahay xildhibaanada labada gole kaga jira gobolada Salal Iyo Awdal, hadalkeennu waa baaq, garnaqsi,dhawaaq iyo fariin, Waxaan ku hal qabsanaynaa oo aanu la hadlaynaa madaxweynaha, waxaanu ku sheegaynaa madaxweyne tabasho iyo wax aanu tirsanayno, taas oo aanu Af, Adin iyo qoraalba hore kuugu soo  gudbinay sanad iyo  badh ka hor, balse wax jawaab ah kaamaanan helin, taas oo ka fursan wayday inay bulshada Somaliland iyo caalamkuba maqlaan”ayuu yidhi xildhibaan Axmed Yaasin sheikh Cali Ayaanle oo ka mid ah xildhibanaadasi labadda gole ee shirka jara’id qabtay, waxaanu intaas ku daray. “Dalkan Somaliland waxa uu soo maray dib u xorayn,dib u heshiisiin,dib u dawladaydan iyo dib u dimuqraadiyadayn, dadka ku  dhaqan gobolada galbeedkuna kaalintii ay ku lahaayeen marxaladahaas uu dalku soo maray cid ay ka qarsoon tahay dawlada iyo shacabka Somaliland ma jiro,waxaanay awoodooda iskugu geeyeen sidii looga midha dhalin lahaa ujeedooyinkii loogu dhawaaqay qaranka Somaliland iyo madax banaanidiisaba.”

Xildhibaan Axmed yaasiin Sheekh Cali  Ayaanle, ayaa sheegay in goboladda galbeedka aanay helin saami qaybsigii ay dawladda iyo mashaariicda horumarinta Somaliland ku lahaayeen.

Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay  xildhibaan Cali  Sheekh Ibraahin Aareeye  oo ka mid ah xildhibaanada gobolka Selel, waxaanu sheegay in labadan gobol ay isku keentay dan ka dib markii xukuuumadda wax jawaaba ah ka waayeen cabashooyin ay u gudbiyeen madaxweynaha.

“Madaxweyne waxa is raaciyey gobolada Salal iyo Awdal tabasho badan oo ay kaa tirsanayaan, markaa waxa isku kaaya keenay dantayadii iyo aragtidayadii ayaa mid noqotay, waxanu ogaanay inaanu Somaliland dhidib u nahay oo aanu xejinayno Somaliland,balse dhib mooyaane ma jirto wax dheef ah oo naga soo gaadhay xukuumadaada, mana garanayo cida kuu warantay ee ina kala dhex gashay”sidaasna waxa ku dooday xildhibaan Cali Aaraaye oo madaxweynaha ku eedeeyey in aanu wax jawaab ah ka siin cabasho ay u gudbiyeen.

“waxa yaaba in maanta magaalada Saylac Ceelkii biyaha loo qoday oo uu daboolan yahay, iyada oo uu magaalada u jiro 18km, waxaanay u baahan tahay tuunbooyin yar yar,dalkana waxa soo galay 27Million oo doolar oo wax lagaga qabanayey biyaha, maxaase tuunbooyinka yar yar ee ay Saylac u baahan tahay loogu qaban waayey”ayuu raaciyey xildhibaan Cali Aaareeye.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Daahir Maxamuud Jirde, Xildhibaan Diini Cabdilaahi,Xildhibaan Rashiid Maxamed iyo xidhibaano, waxaanay sheegay in madaxweynuhu gabay kaalitii ay goboladoodu ku lahayeen, waxaanay ugu baaqeen tabashooyinka jira inuu hoos u eega oo uu wax ka qabto.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland