3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Qarax Khasaare Nafeed geystay oo lala eegtay kaniisad ku taalla Magaalada Gaarissa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya
Axad, November 04, 2012 (HOL) —Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhaawacantay qarax bambaano oo maanta lala eegtay Kaniisad ay dad badani isugu yimaadeen oo ku taal magaalada Garissa ee Xarunta gobolka waqooyi bari Kenya.


Goobjoogayaal ku sugnaa kaniisadda qaraxa lala eegtay ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay fuliyeen laba nin oo hubeysan, kuwaasoo bambaano kusoo tuuray dhismaha ay ku taal kaniisadda, markaa kadibna rasaas ooda uga qaaday dadkii isugu yimid halkaasi.

Hay’adda laanqeyrta cas ee Kenya ayaa boggeeda Twitterka ku xaqiijisay in qaraxa ay ku dhaawacmeen ilaa 11 qof, kuwaasoo sedex kamid ah ay xaaladooda halis tahay.

Dhaawacyada 11-ka qof ayaa la sheegay in ay ku jiraan saraakiil katirsan Booliska magaalada Garissa kuwaasoo qaraxa uu ku haleelay gudaha Kaniisadda.

Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkani mana jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa iyo weliba khasaaraha uu sababay.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya waxa isa soo tarayay weerarrada loo adeegsanayo bambaanooyinka eeka dhaca goobaha ay dadka isugu yimaadaan sida Baararka iyo Kaniisadaha ee dalka Kenya, waxa uuna weerarkani ku soo beegmaya xilli madaxda Al-shabaab ay dhawaan ku goodiyeen in weerarro kuwii hore ka badan ay ka geysan doonaan gudaha dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]

Kismayo, Soomaaliya












Click here
11/4/2012 4:19 PM EST
Axad, November 04, 2012(HOL): Magaalada Helsinki ee wadanka Finland waxaa ka dhacay soo dhoweyn aad u weyn oo loo sameeyey cayaaryahanka weyn ee Abdulqadir Mooge oo u soo cayaaray kooxda Banaadir Telecom iyo Qaranka Somalia, iyadoo ay ku soo dhoweeyeen Finland dhammaan bahda Isboortiga ee reer Finland oo ay horkacayeen ururka dhaqanka iyo isboortiga ee Helsinki.

11/4/2012 11:08 AM EST
Axad, November 05, 2012(HOL): Ra’iisal Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta soo magacaabay Xubno wasiirro ah oo ka mid ah noqon doona Xukuumaddiisa.

11/4/2012 7:43 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Xildhibaanadda golaha Wakiilada iyo Guurtidda ee gobolada Awdal iyo Selel, ayaa sheeegay in cabasho ay u gudbiyeen madaxweynaha Somaliland aanay wax jawaab ah ka helin, isla markana ay hawadda u marinayaan cadaaladda darada ay ka tirsanayaan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo.

11/4/2012 7:39 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howgallo ay maanta ka sameeyeen jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye illaa degmada Marko ayaa waxay ku qabqabteen rag hubeysan oo ay sheegeen inay qaarkood wateen tuutaha ciidamada xoogga dalka.

11/4/2012 7:23 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Gobolka Togdheer deegaano ka tirsan, ayaa waxa ka da’ay roobab dabaylo wata oo waxyeelo u geystay dad iyo duunyadii deegaankaasi ku dhaqanaa.

11/4/2012 7:04 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Tiro Soomaali ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dooni ku dagtay biyaha u dhexeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiyo, iyadoo la helay maydadka saddex qof oo Soomaali ah.

11/4/2012 7:03 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo tababar ciidan loogu soo xirayay ku dhowaad 700 oo askari ayaa shalay gelinkii danbe ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo iyadoona munaasabaddaasi ay goobjoog ka ahaayeen saraakil katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

11/4/2012 6:22 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde wafdi ka socda dalka Mareykanka oo ay hoggaaminaysay, Windhi Sherman oo ah xoghaye hoose oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

11/4/2012 5:52 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Is-rasaaseyn qaddar daqiiqado ah socotay ayaa xalay ka dhacday saldhigga booliska degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, kaddib markii koox dabley ahi ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen.

11/4/2012 2:26 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xaalad adag uu dalku galayo haddii ay xukuuumadda Uganda ka dhabeyso go'aankeeda ah inay Soomaaliya kala baxayso ciidamadeeda qaybta ka ah howgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

11/4/2012 1:51 AM EST
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa lagu wadaa in gallinka dambe ee maanta oo Axad ah uu ku dhawaaqo golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya, kuwaasoo magacaabistooda uu dhowr jeer dib u dhac uu ku yimid.