3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Xarakada Al-shabaab oo Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ku Weerartay Gobolka Shabeellada Hoose
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa duhurnimadii maanta weerar khasaare geystay ku qaaday mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gobolka Shabeellada hoose u joogay howlo dhedhexaadin ah, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah gaadiidkii ay mas'uuliyiinta dowladdu wateen uu ku gubtay dagaalka.

Afar askari oo laba ka mid ah ay ka mid ahaayeen ciidamada AMISOM iyo guddoomiye gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Siidii ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida isaguna u sheegay warbaahinta qaar ka mid ah; wuxuuna guddoomiyuhu intaas ku daray in lagu weeraray deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Suxufiyiinta la socda wafdigan ayaa iyaguna sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna arkeen gaari Toyota ah oo ka mid aha kuwii ay wateen warfdiga doladda oo gubanaya kaddib markii uu ku dhacay baasuuke, waxayna xuseen in askari Soomaaliga ah ee dhaawucmay uu ahaa wadihii gaariga gubtay.

Wafdiga la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa, xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Maxamed Siidii oo dhaawac uu soo gaaray iyo laba ku xigeennadiisa ah, waxayna wateen toban gaari oo u badan kuwa dagaalka, kuwaas oo laba ka mid ah ay lahaayeen ciidamada AMISOM.

Sidoo kale, wariyeyaasha wadiga la socda ayaa sheegay in weerarku uu ku qabsaday inta u dhexeysa deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyn; waxayna xuseen in dagaalku uu ahaa mid jahooyin badan ay kasoo qaadeen xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

"Dagaalku wuxuu ahaa mid culus, inkastoo xaaladdu ay ahayd mid adag haddana waxaa suuro-gashay in wafdiga iyo innagu aan kasoo gudubno goobtii uu dagaalku nagu qabsaday, ma sheegin karno khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, balse waxaan sheegi karnaa inaan aragnay dhaawacyada laba askari oo keliya," ayuu yiri mid ka mid ah wariyeyaasha la socda wafiga oo HOL la hadlay.

Guddoomiyah gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay kasoo laabteen howl dhexdhexaadin ah ayna soo mareen deegaanno gobolka ka tirsan oo ay indho-indheyn kusoo sameeyeen, isagoo sheegay inay dagaalkaas ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab inkastoo aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan.

Xarakada Al-shabaab oo si kooban uga hadashay dagaalkan ayaa sheegay inay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo ay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in wafdiga uu soo gaaray garoonka Balli-doogle oo ay ku socdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/24/2012 10:43 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

11/24/2012 8:45 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) —Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ballan qaaday in uu laba jibaari doono waxqabadkiisa hadii marlabaad ay soo doortaan shacabka ku dhaqan degmada Kamakunji.

11/24/2012 7:47 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM ay si dhow ula shaqeynayso Dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan golaha wasiirrada ee dhawaan la ansixiyay.

11/24/2012 7:44 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa madaxweynaha u diray waraaq furan oo ay kaga codsanayaan inaanu saxeexan xeerka sirdoonka oo ka hor imanaya xoriyadda saxaafadda Somaliland.

11/24/2012 7:27 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horreysay kula kulmay Muqdisho taliyeyaasha ciidmada booliiska, isagoo ku bogaadiyay howsha ay hayaan, kana dalbaday inay xoojiyaan howlaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho.

11/24/2012 3:49 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsan sida loo wacyi-gelin karo dhallinyarada dagaallada ka qaybgala ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, waxaana kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ka qaybgalay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed.

11/24/2012 3:32 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo khasaarihii nafeed iyo middii maaliyadeed ee ka dhashay rabshadihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

11/24/2012 3:07 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in dhamaashaha isla-xisaabtan la'aanta Soomaaliya ay fursad weyn u tahay xuquuqul insaanka, isagoo si adag u cambaareeyay dilalka loo geysto wariyeyaasha.

11/24/2012 2:19 AM EST
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Jimcihii shalay kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya, isagoo kala hadlay sidii loo sii wadi lahaa howgallada dalka looga saarayo Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran.