4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo Mas'uuliyiinta AMISOM kala Hadlay sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamada Xoogga dalka
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Jimcihii shalay kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya, isagoo kala hadlay sidii loo sii wadi lahaa howgallada dalka looga saarayo Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran.

Mudane Fiqi ayaa si gaar ah ula kulmay taliyaha guud ee AMISOM, Jen. Andrue Guthi iyo ku xigeenkiisa, Simon Kranja, isagoo ka dalbaday inay gacan ka geystaan dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo qalabeyntooda, si ay ula wareegaan gacan ku haynta ammaanka dalka oo dhan.

“Kulanku wuxuu ahaa mid muhiim u ah sii socoshada dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo caqabad ku ah ammaanka Soomaaliya., Waxaana naga go’an in si dhaqso ah aan dalka oo dhan uga saarno, insha Allah dhawaan shacabku waxay arki doonaan wax ay ku farxaan," ayuu wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay qayb ka yihiin howgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab, iyadoo sannadkan billowgiisa ay ciidamadan iyo kuwa dowladdu markii ugu horreysay ay ka qabsadeen Al-shabaab deegaan ka baxsan Muqdisho taasoo ahayd degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Waxaan sidoo kale kulan uga hadlanay sidii dib loogu dhiso lahaa ciidamada xoogga dalka iyo qalabeyntooda, taasoo ah arrin aan muhiimadda koowaad siinayno xilligan. Sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii dhallinyarada Al-shabaab ay qaldeen loogu abuuri lahaa fursad ay dib ugu dhismaan mustaqbalkooda,” ayuu wasiirku ku yiri warsaxaafadeedka uu soo saaray.

Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee kulanka la qaatay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaan iyagu ka hadlin kulankaan iyo qodobbadii looga hadlay, iyadoo ay horay taliyeyaasha AMISOM u sheegeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka Gaashaandhigga wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska iyo taageerrada ciidamada xoogga dalka oo uu sheegay inay yihiin kuwo sabab u noqon kara in dalka uu cagihiisa ku istaago.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya