4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Tababar ku saabsan Hormuraminta Ganacsiga Bulshada oo Maanta Muqdisho looga furay Shirkado Ganacsi oo kala duwan

Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Tababar ku saabsan horumarinta ganacsiga bulshada ayaa maanta laga furay Muqdisho, kaasoo socon doono muddo shan casho ah oo ka billaabanaysa maanta kuna eg Axadda soo socota, waxaana ka faa'iideysan doona tababarka 19 qof oo ka socday shirkado ka howgala Soomaaliya.

Tababarkan ayaa waxaa maaligeliyay ururka Midowga Yurub, waxaana soo qaban-qaabiyay ururka shaqaalaha Adduunka (ILO) iyadoo ay tababarkan casharrro ka bixin doonaan macallimiin isugu jira Soomaali iyo ajnabi ka socday ururka ILMC.

Hay'ado iyo shirkadaha tababarkan ka qaybqaadanaya ayaa waxay kala yihiin: Dahabshiil, ururka horumarinta ganacsiga haweenka Soomaaliyeed ee SWEA, IIDA, Horn Relief and Development, Banadir Business women Organization, Bakaro Commuttee of Trading, Suuq-bacaad Commuttee of Trading, Chamber of Commerce, Jaamacadd Muqdisho (Cemed Center) iyo wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada.



Xubnihii furitaanka kulanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen in tababarkan uu faa'iido badan ku leeyahay ganacsatada Soomaalida, iyagoo qaarkood dalbaday in lagu daro tababarrada sida loo abuuro ganacsiga, taasoo ay xuseen inaysan aqoon badan u lahayn dadka Soomaaliyeed.

"Soomaalida lacag way haystaan, balse waxaa ka maqan sidii ay u abuuri lahaayeen shaqo, waayo waxaa dhacaysa in lacago aad u badan lasoo geliyo ganacsi, balse aan la abuurin shaqo, taasna waxay u baahan tahay in Soomaalida la baro sida loo abuuro ganacsiyada kala duwan," ayuu yiri Maxamed Cumar Nuur oo ka socday wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada.

Xubnaha ka qaybgalaya tababarka ayaa lagu boorriyay inay ka faa'iideystaan tababrakan oo qiimo weyn u leh horumarinta ganacsiyada ka jira Soomaaliya, iyadoo qorshahan uu qayb ka yahay dadaallo uu doonayo ururka shaqaalaha Dunida in shaqooyin loogu abuuro dad badan oo Soomaaliyeed.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya