4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2012
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Qoyskiisa oo u Guuray dalka Uganda oo ay deggenaasho ka heleen

Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.

Shariif Sheekh ayaa tan iyo markii looga guuleystay doorashadii madaxweyne ee ka dhacday Muqdisho kaddib 42-sano ayaa isaga iyo qoysaskiisa oo laba ah waxay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, inkastoo ay markiiba deggenaasho ka heleen dalka Uganda.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo dad ay aad isugu dhow yihiin ayaa sii sagootiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoysaskiisa, iyadoo ay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka qaadeen laba diyaaradood oo gaar ah.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xilka madaxnimo ku wareejiyay si nabad ah 10-kii bishii September ee sannadkan, kaddib markii uu doorashada uga adkaaday madaxweynaha xilligan; Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa in ka badan 20 murashax oo xilka madaxnimo ee dalka kula tartamayay Shariif Sheekh.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in madaxweynihii hore uu waxbarasho u aadi doono jaamacad ku taalla magaalada Boston ee dalka Mareykanka, halkaasoo sidoo kale uu ka jeedin doono khubad ku saabsan sidii uu hoggaanka ku qabtay iyo sidii uu xilka uga dagay.

Jaamacadda Boston ayaa waxay horay ugu marti-qaadday inay khudbado ka jeediyaan lix madaxweyne oo xilalka si dimuqraadiyad ah ku wareejiyay kaddib markii laga adkaaday, iyadoo madaxweyne Shariif uu noqonayo madaxweynihii toddobaad ee khudbad ka jeediya jaamacaddaas.

Shariif ayaa lagu wadaa inuu khudbad ku saabsan aasaaskii Maxkamadii Islaamka ee uu madaxda u ahaa iyo sidii uu hoggaanka dalka ku qabtay u jeediyo kumannaan arday ah oo ka qalin-jabiyay jaamacadda Boston.

Madaxweynihii hore ayaan la hadlin saxaafadda markii uu Muqdisho ka dhoofayay inkastoo uu gacmaha u lulay intii sagootisay markii uu ka dhoofayay Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dib ugu soo laabanayo dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya