4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Safaaraddii Somalia ee dalka Zambiya oo la xiray kaddib markii uu dagaal dhexmaray dublamaasiyiin Soomaaliyeed

Axad, May 06, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Zambia ayaa xiray safaaraddii ay ku lahayd Soomaaliya magaalada Lusaaka ee xarunta dalkaas Kaddib markii uu dagaal dhexmaray safiirkii Soomaaliya ee dalkaas iyo safiir cusub oo sheegay inuu xilkaas u magacabaay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wargeyska Indepedent Post oo kasoo baxa dalka Zamabi ayaa sheekadan qoray Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana warbixinta lagu sheegay inuu dalkaas gaaray danjire cusub oo sheegay inuu u yimid halkaas inuu bedelo dajirihii hore, Shirwac Ibraahim, taasoo keentay in labadan dajire ay dhex-marto dood adag.

Ilo wareedyo booliiska ka tirsan ayaa xaqiijiyay khilaafka iyo isku dhaca labadan dajire soo dhexgalay, iyadoo labada safiir ay wataan caddeymo ay ku sheegayaan inay yihiin dublamaasiyiin.

"Saldhigga booliiska ayaa laga diiwaan-geliyay aroornimadii hore ee Jimcaha doodda u dhexeysa nin sheegay inuu yahay safiir uu soo magacaabay Sheekh Shariif iyo danjirihii hore ee Soomaaliya u joogay Zambia. Labadan diblamaasi waxay doodo ku dhexmareen xafiiska," ayaa lagu daabacay wargeyskan madaxa-bannaan.

Saraakiisha booliiska Zambia ayaa sheegay in markii ay tageen xafiiska ay arkeen labada danjire oo erayo kulul isku dhaafsanaya luuqadda Soomaaliga. Dajiraha cusub ayaa la sheegay inuu diiday inuu xafiiska ka baxo, isagoo sheeganaya inuu yahay safiir uu soo magacaabay madaxweynaha Soomaaliya uuna howshiisa ku jiro, taaso caro gelisay safiirkii hore, isagoo sheegay in dajiraha cusub uu yahay mid aan sharci ku imaan uuna aad uga yaabiyay.

Afhayeenadda booliiska Zaambiya Eliza Elizabeth Kanjela oo arrintan ka hadashay ayaa tiri: "Waxaan xaqiijin karaa in muranka safaaradda Soomaaliya ee Lusaaka aan u dirnay saldhigga booliiska Woodlands, waxaana arrintan gaarsiinaynaa madaxa xafiiska anshaxa ee wasaaradda arrimaha dibadda."

Mss. Kanjela waxay sheegtay in safaaradda la xiray, sidoo kale ilaalo xooggan laga hayo dhismaha ay ku taallo iyo kuwa ku dhow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya