4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Faahfaahin Dheeraad ah oo kasoo baxeysa duqeyntii saakay ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheerad ah ayaa kasoo baxeyso khasaaraha ka dhashay duqeyntii saaka ay maraakiibta dagaal ka geysteen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay qof kale oo haweeney ahna dhaawac ayaa kasoo gaaray, iyadoona sidoo kale lagu soo waramayo in ay jiraan dhismayaal uu burbur kasoo gaaray duqeyntii saaka.

Qofka geeriyooday iyo kan dhaawacmay ayaa ahaa wiil iyo hooyadii oo uu gantaal kusoo dhacay xilli ay ku sugnaayeen gurigooda, waxaana dhintay wiilkii yaraa, halka uu dhaawac soo gaaray hooyadii cunuga dhashay, waxaana dhaawaca maamada lagu daweeynayaa isbitalka guud ee magaalada Kismaayo.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalad Kismaayo oo HOL u waramay ayaa sheegay in maraakiibta wax duqeeysay ay ahaayeen ilaa shan markab, iyagoona intaa ku daray in duqeynta ay bilaabatay kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay gantaallo ku tuureen maraakiibtan oo ku sugnayd meel ku dhow xeebta Kismaayo, waxayna taasi keentay in Maraakiibta oo ahayd nooca dagaalka ay Gantaallo ku asqeeyaan magaalada.

Warar hoose ayaa sheegaya in maraakiibtani ay mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaayeen xeebta gobolka Jubada Hoose, islamarkaasina ay ilaalo ka hayeen dhaqdhaqaaq dhinaca badda ee gobollada Jubooyinka.

Maraakiibta duqeynta geeysatay ayaa haatan ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn magaalada Kismaayo, waxaana weli jirta cabsi ay qabaan dadka ku dhaqan magaalada, taasoo ah in maraakiibtu ay markale duqeymo ka bilaabaan magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya