4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay Weerarro ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay weerarro ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo ay maalmo ka hor ciidamada dowladdu iyo kuwa AMISOM kula wareegeen dagaal saddex maalmood socday.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xoogaggoodu ay weerarro ku qaadeen ciidammo dowladda KMG ah ka tirsan oo marayay deegaannada Lafoole iyo Xaawo-Cabdi ayna halkaas ku dileen askar fara badan.

"Weerarkii koowaad wuxuuu ka dhacay deegaanka Lafoole oo lagu weeraray askar ka tirsan kuwa dowladda oo hab miino-baar ah halkaas u marayay khasaare ayaana la gaarsiiyay. Weerarkaas kaddib ciidammo gurmad ah oo u socday ciidanka lagu weeraray Lafoole ayaa waxaa gaari ay la socdeen lagu qarxiyay Xaawo-Cabdi, waxaana ku dhintay askar fara badan," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in shalay ay weerarro illaa lix gaaraya ay ku qaadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, mid ka mid ahna uu ka dhacay degmada Afgooye, inkastoo aanu sheegin kasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Siidii oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wixii ka dhacay jidka u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho aan lagu tilmaami karin weerarro, balse ay ahaayeen rag naf-la-caari ah oo doonayay inay ka baxaan goobahaas oo ay ku go'doonsanaayeen.

"Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa waxay weerareen gaadiid ay la socdeen shacab iyagoo doonayay inay dadka dhacaan, iyadoo uu ku dhintay hal qof oo rayid ah dhowr kalena ay ku dhaawacmeen," ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka shabeellada hoose ee DKMG ah, wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladda ay ku baxeen kooxahaas ayna soo qabq abteen lana horgeyn doono sharciga, inkastoo uusan sheegin tirada dagaalyahannada la qabtay.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay muddo sannado ah ka talinayeen kooxaha dowladda KMG ah kasoo horjeeda ayaa waxaa u suurogashay dowladda oo kaashanaysa AMISOM inay la wareegaan markii ugu horreysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya