3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2012
Shirkii 11aad ee Geeska Africa oo maanta ka furmay Magaalada Lund ee dalka Sweden


Jimco, June 08, 2012(HOL): Waxaa maanta magaalada Lund ee dalka Sweden ka furmay shirka Lund oo ah shir sanadle ah oo sanad kasta looga hadlo arrimaha dalalka Geeska Afrika, iyadoo sanadkanna la qabtay sanadkii 11aad. Shirka ayaa sanadkan looga hadlay arrimaha Ammaanka, Nabadda, xasilooni iyo horumar joogto ah oo ay helan dalalka Geeska Afrika.

Ergooyin ka kala yimid dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Djibouti, South Sudan iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Shaqsiyaad ka socday Ururro shirka lagu casuumay ayaa shirkan ka qeybgalay.

Shirka oo socon doona seddex maalmood ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Count Pietersen  oo soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha shirka, isagoo dhinaca kalena u mahadceliyay Abdullaahi Jaamac oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha shirkan sanadlaha ah ee magaalada Lund lagu qabto sanad walba.

Shirka ayaa waxaa wada jir u shir guddoominayay Count Pietersen oo ah Danjire hore oo Qaramada Midoobay u soo shaqeeyay, Dr. Shukri Abdirahman Dini oo ka socotay York University-Canada, Engineer Ishael Siroiney  oo ka socda Eksanndhs AB Lund-Sweden iyo Bethlehem Araya oo ah Engineer ka socday Shirkadda Teleefoonnada gacanta ee Sonny Ericsson.


Dr. Yacquub Cabdi Aadan oo ka socday Machadka Karolinska ee Sweden ayaa sidoo kale furitaanka shirka ka hadlay, wuxuuna jeediyay khudbad soo koobeysay ujeedada shirka loo qabto sanad kasta, wuxuuna dib u qooraansaday sanadihii shirka la soo qabtay ee aynu ka soo gudubnay.

Wuxuu sheegay Dr. Yacquub in shirka Lund oo sanadkan la qabanayo sanadkii 11aad ay soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah tan iyo markii qabashadiisa la soo bilaabay, wuxuuna caddeeyay in arrimaha ugu muhiimsan ee shirka diiradda lagu saaro ay tahay in la taageero nabadda iyo ammaanka iyo horumarinta dalalka geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa shirka hadal furitaan ah ka jeediyay Prof Arne Ardeberg oo ah Guddoomiyaha Lund Horn of African Forum, wuxuuna ka hadlay awoodeynta haweenka  oo door muuqda ku leh nolosha aadanaha, wuxuuna dib u qooraansaday shirkii midkan ka horreeyay oo doorka haweenka si weyn looga hadlay, isla markaana ay ka qeybgalayaashii shirka u badnaayeen dumar.


Prof. Arne waxaa uu intaas ku daray in uu aad u jecel yahay in waxyaabaha shirarkan looga hadlo ay noqdaan kuwo ficil loo bedelo oo aanan ku ekaanin kaliya hadal. Hadalka Prof. Arne ayaa u badnaa mid aad u guubaabinayay dumarka iyo awoodeyntooda.

Mr. Jörgen Forsberg oo ah  ku xigeenka Duqa magaalada Lund ayaa shirka ka soo jeediyay khudbad soo dhaweyn iyo furitaan isugu jirtay, wuxuuna ammaanay qaban-qaabiyayaasha shirka oo intii la soo qabanayay ay waxyaabo la taaban karo ka soo baxeen.


Magaalada Lund oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalka Sweden ayuu ammaanay, wuxuuna sheegay in magaalada ay sameysay waxyaabo badan oo  ay ku faani karto oo cilmi baaris iyo horumarin u badan. Shirka iyo waxyaabaha looga hadlayo oo ah Nabadda iyo Ammaanka gobolka geeska Afrika ayuu soo qaatay, wuxuuna sheegay in qodobkaas shirka looga hadlayo ay u arkayaan mid muhiim ah, balse wuxuu caddeeyay in ay amni iyo nabad la heli karo marka cadaalad iyo dimoqraadiyad la helo.

Rowan Laxton oo ah La-taliyaha gaarka ah ee dhinaca siyaasadda ee Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire Ambassador Mahiga ayaa shirka ka hadlay, wuxuuna ka taariikheeyay roadmap-ka Soomaaliya iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray sida shirarkii Muqdisho, Garowe I iyo Garowe II Gaalkacyo iyo odayaasha dhaqanka oo hadda ku howlan soo xulitaanka ergooyinkii dastuurka ansixin lahaa. Wuxuu xusay in xaalado adag laga soo maray meel-marinta roadmap-ka.


Wuxuu si cad u sheegay in ay doonayaan in Soomaalida ay lahaato doorka hoggaaminta geeddi-socodka looga guurayo kumeel gaarka, isla markaana loogu guurayo Dowlad buuxda, wuxuuna meesha ka saaray in Soomaalida ay daawadayaal ka noqonayaan aayaha mustaqbalkooda.

Mr. Jeremy Lester oo ka socda Midowga Yurub ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageero dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimada. Sidoo kale wuxuu xusay in ay dhaqaale ku bixiyaan Howlgalka Amisom, Tababarrada Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo La-dagaalanka Burcad Badeedda.


Mr. Jeremy Lester wuxuu ku sheegay sababta ay arrimahaas oo dhan u sameynayaan in ay tahay in ay adduunka oo dhan ka sameeyaan arrimahaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in mashaariicda ay Soomaaliya ku taageerayaan ay guuleysanayaan

Hassan Darar Huffaneh oo ka socday Dalka Djibouti ayaa shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in gobolka Geeska Afrika uu muddo la daalaa-dhacayay isku dhacyo siyaasadeed, colaado iyo gaajo. Wuxuu ka hadlay nabadda iyo ammaanka, wuxuuna soo qaatay in marka ammaan laga hadlayo ay gobolka ka jiraan dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo isugu jira kuwo ay keeneen argagixisada, dagaallada iyo kuwo salka ku haya dhaqaalaha.


Wuxuuna sheegay in Djibouti iyadoo ka duuleysa la-dagaalanka argagixisada ay dowladda Soomaaliya ku taageertay ciidamo la-dagaallama kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dowladdiisu ka soo horjeedo kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya lagu hayo iyo sunta lagu aasayo xeebaha Soomaaliya.

Burcad Badeedda ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in burcad badeedda aysan ku dhalan Badda, inkastoo uu xusay in ay ka soo horjeedaan in maraakiib la af-duubto oo haddana madax furasho lagu sii daayo.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay qeyb weyn ka qaadatay soo celinta xornimadii Djibouti, sidaasoo kalena ay Djibouti isku howshay in ay soo celiso dowladdii Soomaaliya kaddib Qaran-jabkii Soomaaliya ku dhacay, wuxuuna xusay in ay labada dal leeyihiin xiriir wanaagsan oo walaaltinimo.


Ashraf El Nour oo ka socday IMO ayaa ka hadlay shirka wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka barakaca ka dhacay dhibaatooyinka ka jira dalalka gobolka geeska Afrika ee keenay in ay dad faro badan ka qaxaan wadamadooda, taasina ay keentay dhibaato dhinaca socdaalka ah.

Barakacyada badankood ayuu sheegay in ay ka dhasheen isku dhacyada Eritrea iyo Ethiopia, Djibouti iyo Eritrea, Sudan iyo South Sudan, Isku dhacyada gudaha ee Soomaaliya, Isku dhacyada goboleed ee Soomaaliya iyo Kenya jawaabta caalamka ee burcad badeedda.

Isbedellada cimillada ayuu sheegay sidoo kale in ay barakaca qeyb ka yihiin, wuxuuna taasi ku macneeyay in roobabkii ay yaraadeen, abaarihii roob yaraanta ka dhashayna ay keeneen in ay dadka barakacaan ayna qaarkood xuduudaha wadamada deriska ah isaga gudbaan, halka kuwo kalena ay weli baaqi ku sii yihiin xeryo ku yaalla wadamadooda.

Shirka ayaa socon doona illaa 10-ka bishan oo ku beegan maalinta Axadda ah ee soo socota.











Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Lund, Sweden













Click here
6/8/2012 4:31 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugna degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa xalay iyo maanta falal isugu jira dil iyo dhac ka geystay degmadaas, xilli ay maalmihii ugu dambeeyay dadka ku nool degmadaas ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada dowladda.

6/8/2012 4:23 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku baaqay in la sameeyo gudi madax-bannaan oo qabanqaabiya doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

6/8/2012 4:18 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Nairobi ayaa wariyeyaasha u sheegay in Soomaaliya aan nabad laga dhalin karin iyadoo aan la dhisin ciidamaa xoogga dalka.

6/8/2012 4:17 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida inay gacan ka geystaan wadahadallo dhexmara dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

6/8/2012 4:09 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Jen. Ugadi Kiki oo ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkooda uu sii socon doono ayna ku wajahan yihiin deeggaanno ka mid ah gobollada Bay iyo Shabeellada hoose.