3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2012
Prof. Cali Max'ed Geeddi oo sheegay in Nabad ka Dhalata dalka ay ku xiran tahay Ciidamada Qaranka oo la dhiso

Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku sugan Nairobi ayaa wariyeyaasha u sheegay in Soomaaliya aan nabad laga dhalin karin iyadoo aan la dhisin ciidamaa xoogga dalka.

Prof. Geeddi ayaa intaas ku daray in laga gaabiyay dhismaha ciidamada xoogga dalka, isagoo ku booriyay dowlada soo socota inay xoogga saarto sidii ay u dhisi lahayd ciidammo ay yeelato Soomaaliya.

"Ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo aan la dhisin yaan lagu riyoon in Soomaaliya ay nabadi ka dhalato oo sharcigii iyo kala-dambeyntii ay soo laabato," ayuu yiri ra’iisul wasaarihiii hore ee Soomaaliya.

"Ciidamada AMISOM ee hadda dalka ku sugan waxaaan ahaa mas’uulkii wax ka qaban qaabiyay heshiiskii ay dalka ku galeen waxna ka saxiixay. Waa loo baahan yahay balse baahida loo qabo ma ahan mid joogto ah ee waa mid KMG ah," ayuu yiri Prof.Geeddi.

Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu hadalkiisa ku daray in siyaasaddii lagu heshiiyay ay ahyayd in la dhiso ciidammo Qaran inta ay AMSIOM joogto, isagoo xusay in taas laga gaabiyay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay dhibka uga baxayso iyadoo hesha ciidan xoog leh oo Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan saddex cadow oo kala ah: argagaxiso, burcad-badeed iyo musuqmaasuqa. Isaogo sheegay inuu yahay murshax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya uuna saddexdaas cadow la dagaali doono haddii la doorto.

"Anigu waxaan ahay murashax u taagan qabashada xilka Qaranka, mana doonayo inaan salaadiinta Soomaaliyeed iraado hebel xildhibaan iiga dhig ha isoo doortee, taasna xaaraan ayay iga tahay, siyaasiyiinta Soomaaliyeedna sidaas oo kale ayaa laga doonayaa," ayuu yiri.

Prof. Geeddi ayaa ra’iisul wasaare kasoo noqday dowladda KMG ah xilligii uu madaxweynaha ahaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaan ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta, isagoo xilka uga tagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii xilligaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/8/2012 7:58 AM EST
Jimco, June 08, 2012(HOL): Waxaa magaalada Lund ee dalka Sweden ka furmay shirka Lund oo ah shir sanadle ah, iyadoo sanadkanna la qabtay sanadkii 11aad. Shirka ayaa sanadkan looga hadlay arrimaha Ammaanka iyo Nabadda dalalka Geeska Afrika.

6/8/2012 4:31 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugna degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa xalay iyo maanta falal isugu jira dil iyo dhac ka geystay degmadaas, xilli ay maalmihii ugu dambeeyay dadka ku nool degmadaas ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada dowladda.

6/8/2012 4:23 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku baaqay in la sameeyo gudi madax-bannaan oo qabanqaabiya doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa bisha Ogoosto ee sannadkan.

6/8/2012 4:17 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida inay gacan ka geystaan wadahadallo dhexmara dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

6/8/2012 4:09 AM EST
Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Jen. Ugadi Kiki oo ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkooda uu sii socon doono ayna ku wajahan yihiin deeggaanno ka mid ah gobollada Bay iyo Shabeellada hoose.