3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ciidamadeedu sii joogayaan Soomaaliya inta laga dhisayo dowlad awood leh

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu kusii sugnaanayaan Soomaaliya inta laga meel-marinayo dastuurka lagana dhisayo ciidammo milateri ah oo iska difaaci kara weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa waxay sannadkii hore Soomaaliya u soo dirtay askar fara badan oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab. Iyadoo saraakiisha Itoobiya ay sheegeen in ciidamadoodu ay ka baxayaan Soomaaliya marka ay ka adkaadaan xoogagga Islaamiyiinta ah.

"Ciidamada Itoobiya waxay ku sii sugnaan doonaan Soomaaliya, inta laga dhisayo dowlad awood leh oo iska caabin karta Al-shabaab," ayuu yiri afhayeenka dowladda Itoobiya, Shimeles Kemal oo wariyeyaasha kula hadlayay Addis Ababa Jimcihii shalay.

"Ma jiro qorshe aan xilligan ku doonayno in ciidamadeenna aan kaga soo daad-gureyno Soomaaliya illaa inta laga hirgelinayo dastuurka lagana adkaanayo kooxaha dowladda ka horjeeda," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dastuurka ayaa lagu wadaa in bisha soo socda la meel-mariyo, iyadoo sidoo kalena uu xilliga dowladda ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeya la dhiso doono dowlad joogto ah.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waxay xoogagga Al-shabaab ka qabsadeen degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo goobo kale oo ay Al-shabaab awood badan ku lahayd.

Bishii May ee sannadkan ayaa waxay markii ugu horreysay ciidamada AMISOM oo caawinaya kuwa DKMG ah kala wareegeen Al-shabaab degmada Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale, bishii lasoo dhaafay ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah oo dagaal kula jira Al-shabaab ayaa waxay iyaguna gacanta ku dhigeen degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Dalalka Itoobiya, Kenya iyo AMISOM ayaa waxay dadaal ugu jiraan sidii ay u qabsan lahaayeen dhulka ay weli ka taliso Xarakada Al-shabaab, iyadoo kooxdan ay weli ka taliso dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/23/2012 5:10 PM EST
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayey xisbiga Tayo iyo Musharaxnimada xoghayaha xisbiga Tayo oo lagu wado inuu isu taago doorashada madaxweynenimada ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay Birmingham ee dalka Ingariiska.

6/23/2012 9:37 AM EST
Waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu qabtey, munaasabdii labaad ee xaflad loogu magac darey (Easleigh Peace Festival).

6/23/2012 8:33 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa soo dhaweeyey go’aamadii kasoo baxay shirkii madaxda Soomaalidu ugu soo dhammaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku taliyay in dalka loo doorto hoggaamiyeyaal samatabixin kara.

6/23/2012 8:19 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dadka reer Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Natiijaddii ka soo baxay wada hadalkii Somaliland iyo Somalia dhexmaray, iyagoo intoo badani qalbi furan ku soo dhoweeyey qodobaddaasi ka soo baxay shirkaasi.

6/23/2012 8:13 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa maanta oo Sabti ah ka digtay weerarro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalo xeebeedda Mombassa ee dalka Kenya oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas.

6/23/2012 8:01 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho oo ah xarunta Soomaaliya oo ay sannado badan ka socdeen dagaallo sokeeye ayaa waxaa ka socda dib u dhis iyo ganacsiga oo xoogeysanaya, iyadoo magaalada ay maalin walba soo gaaran dad kasoo laabanaya qurbaha.

6/23/2012 7:07 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ciidamada maamulka Xarakada Al-shabaab ee degmada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay nin gacan ku dhiigle ah kaasoo toori ku dilay nin kale.

6/23/2012 7:04 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Maamulka Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo danyar ah, kuwaasoo degan magaalada Afmadow.

6/23/2012 4:01 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Afhayeenkii hore ee Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah toddoba hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsan oo Mareynkanku uu madaxooda saaray madaxfurasho lacageed oo gaaraysa 33-milyan oo doollar ayaa sheegay inuusan ka baqayn Mareykanka uuna sii wadayo dagaalka uu kula jiro cadowga Islaamka.

6/23/2012 3:43 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee ka arimiya qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa hakad geliyay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka dhexeeyay Degmada Kismaayo iyo Deegaanada Galbeed ee gobolka Jubada Hoose ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

6/23/2012 3:28 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ayaa ku dhintay qarax iyo tacshiirad xigtay oo saakay aroortii hore ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bayoo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya ee Itoobiya.

6/23/2012 3:19 AM EST
Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo AMSIOM ayaa sheegtay inay shalay la wareegeen dekedda garoonka diyaaradaha Cisalleey iyo dekedda macmalka ah ee Ceel-macaan oo ku yaalla duleedka Muqdisho.