4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Xoogaga Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogay gaadiidkii ganacsi ee isaga gooshi jiray Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee ka arimiya qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa hakad geliyay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka dhexeeyay Degmada Kismaayo iyo Deegaanada Galbeed ee gobolka Jubada Hoose ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

Ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa lagu wargeliyay in aysan shixnado ganacsi geyn karin goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee galbeedka gobolka Jubada Hoose.

Xayiraadda lagu soo rogay ganacsigii ka dhexeeyay Kismaayo iyo deegaanada kale ee gobolka Jubada Hoose ayaa siweyn looga dareemay degmada Afmadow, Dhoobley iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Goobjooge ka gaabsaday magaciisa oo ku sugan Afmadow ayaa HOL u sheegay in durbaba uu qiimo koror ku yimid maciishadihii kala duwanaa, arintaasoo loo aaneeyay kadib markii ay istaageen shixnadihii ganacsi ee degmada Afmadow uga iman jiray dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil katirsan dowladda KMG oo ku sugan Degmada Afamdow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka warhayaan xayiraadda ganacsi ee ay xoogagga Al-shabaab kusoo rogeen goobaha ay ciidamada dowladda ku suganyihiin ee gobolka Jubada Hooose, waxayna saraakiishani sheegeen in talaabadani ay tahay mid lagu cunaqabateynayo shacabka ku dhaqan gobolka Jubada Hoose.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay Xarakada Al-shabaab cunaqabateyn kusoo rogto goobo ay ka arimiyaan ciidamada dowladda KMG, haseyeeshee xoogagga Al-shabaab ayaa hore cunaqabateyn tan lamid ah ugu soo rogay degmooyin katirsan gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya