4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2012
Dabley Hubaysan oo dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Dabley hubaysan ayaa salaadii hore ee saaka ku toogtay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamuud Duraan xaafadda New Hargeysa ee degmada Gacan-libaax ee Bariga magaaladda Hargeysa.

Falkan lagula kacay guddoomiye Duraan ayaa sababay dhaawac ka soo gaadhay daanka bidix ee Wejiga, taas oo xabaddu ka haleeshay, waxaana dhaawaciisa loola cararay cisbitaal gaar loo leeyahay ee Gargaar oo ku yaalla badhtamaha magaaladda Hargeysa oo ilaa hadda lagu dabiibayo, taas oo aan loo ogolayn in cisbitaalka lagu booqdo.

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa toogashadda loo gaystay Guddoomiye Duraan, inkastoo aanu la xidhiidhnay masuuliyiinta Amniga balse nooma suurogalin in xogta dhabta ah la ogaado, waxaanay wararku sheegayaan in aan la qaban dablaydaasi.

Haseyeeshee, Garsoore Cabdirashiid Duraan ayaa laba toddobaad ka hor xukuno kala duwan ku riday masuuliyiin lagu eedeeyey musuqmaasuq mucaawimo Raashin.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceedda ah ee ka dhacda Somaliland, taas oo dadweynuhu ilaa hadda is waydiinayaan sababta rasmiga ah ee loo beegsaday guddoomiyahan maxkamadda gobolka, wallow arrintan oo kale ay hore uga dhici jireen magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, balse muddooyinkii u dambeeyey ay joogsadeen dilalka lagu bartilmaamaysanayo garsoorayaasha.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland