3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
Wafdi uu hoggaamnayo Augustine Mahiga oo gaaray Magaalada Garoowe kulammana la leh Madaxda iyo Waxgaradka Puntland
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay uuna horkacayo wakiilka UN-ka ee arimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay madaxda Puntland.

Kulamadan ayaa la sheegay in looga hadlayo howlaha Roadmap-ka oo ay ka mid yihiin xulida ergada ansixinta dastuurka, iyadoo saxaafada loo diiday inay goobjoog ka ahaato kulamadan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland.

Wariyeyaal ku sugan Garoowe ayaa sheegaya in loo sheegay in marka ay kulamadu dhamaadaan ay si wadajir ah ula hadli doonaan warbaahinta madaxda Puntland iyo wafdiga uu horkacayo dajire Mahiga.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in danjire Mahiga iyo xubnaha safarkiisa ku wehlinaya ay la kulmi doonaan waxgaradka Puntland, kuwaasoo ay kala hadli doonaan arimaha ku saabsan ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa wuxuu qayb ka yahay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo madaxweynahoodu uu ka mid yahay saxiixayaasha Roadmap-ka oo ah qorshe la doonayo in Soomaaliya looga saaro xiliga KMG ah.

Lama oga inta maalmood ee uu qaadan doono socdaalka wafdigan oo uu horkacayo danjire Mahiga uu qaadan doono, iyadoo wararku ay sheegayaan in kulamada ay u tageen Punland ay noqon kuwo maanta ku eg.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/13/2012 3:13 PM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta salaaddii jimce kala qaybgalay dadweynaha magaaladda Hargeysa, isagoo aan ilaalo la socon, isla markaana kula tukaday masaajid ay dadku iskugu yimaadaan.

7/13/2012 1:37 PM EST
Kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen Marwada Ra'iisul Wasaaraha Drs. Hodan Saciid Ciise, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ururada Haweenka degmooyinka Gobolka Banaadir, Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Seynab Xaaji Cali Baxsan, Binti Cumar Gacal iyo haween ka socday 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,

7/13/2012 7:45 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay dad iyo hub ka sameeyay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

7/13/2012 7:21 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidamada AMISOM ayay ku sheegeen in Laanta-buuro ay ka heleen 500-kiish oo raashin ah, kaasoo ay loogu talogalay sida ay sheegeen in lagu caawiyo dadka ku nool gobolkaas, balse ay Al-shabaab dhacday.

7/13/2012 4:57 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha odayaasha Muqdisho, Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Muqdisho uu uga socdo shirka ayaa sheegay inay codsadeen in la saxo qaladaadka dastuurka jira ka hor inta aan lasoo xulin ergagada ansixinta dastuurka.

7/13/2012 4:56 AM EST
Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dhaawacay laba ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya oo ku sugnaa deegaan ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya aroonimadii shalay oo Khamiis ahayd.