3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Kulan looga hadlayay Xoojinta Ammaanka oo Maanta lagu qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe
BALCAD8.jpg
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta ka dhacay warshadii dharka ee Balcad, kaasoo ay ka qeyb-galeen waxgarad, nabadoonno iyo culumaa'uddiinka  degmadaas.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda, maamulka gobolka Shabellaha Dhexe kuwaasoo dadka degmadaas ku nool ku boorriyay inay qayb ka qaataan xoojinta ammaanka.

Gudoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in markii Al-shabaab laga qabsaday degmada ay dadka ku nooli ka qaybqaadanayeen sidii nabadda lagu adkeyn lahaa.

BALCAD10.jpg

"Degmada waxaa ka jirta nabad, waxaana qayb ka qaatay dadka ku nool oo dhexda u xirtay in deegaankooda ay nabadeeyaan. Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ee iskaashanaya ayaa iyaguna suurogeliyay in degmada laga saaro Al-shabaab," ayuu yiri Cusmaan Xaadoole.

Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabellaha Dhexe, Yuusuf Cabdi C/lle (Yuusuf Jaalle) oo isaguna hadal jeediyay ayaa sheegay in degmada Balcad ay ka mid tahay degmooyinkii laga xusay madaxbannaanida Soomaaliya lagana taagay calanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in dadka deegaanka ay ka qayb-qaataan howlaha maamulka, ammaankana ka shaqeeyaan.

Jen. Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG ah ee ku sugan degmada Balcad ayaa sheegay in ammaanka ka jira degmada Balcad uu aad u wanaagsan yahay.

"Degmada Balcad waa degmadii u horreysay ee laga saaro Al-shabaab oo ku taalla gobolka Shabeellada dhexe, waxaana rajeynaynaa in sidoo kale dhawaan laga saari doono Al-shabaab degmooyinka ay ka mid yihiin: Jowhar, Mahadaay, Aadan Yabaal, Raage Ceelle iyo Cadale," ayuu yiri Jen. Maxamed Saney.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ku hadlayay afka Ahlusuna ayaa sheegay in shacabka Balcad loo baahan yahay inay is garab-taagan ciidammada qalabka sida, isagoo ka mahadceliyay guulaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaareen.

Gudoomiyaha Maxkamada degmada Balcad, Sheekh Cusmaan Xiddig oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in qofkii dil geystay la marsiin doono sharciga Islaamka laguna fulin doono xukunkii u soo baxa.

Degmada Balcad ayaa waxay noqonaysaa degmadii labaad oo ay hay'adda CCD ku qabto kulan looga hadlayo ammaanka iyadoo maalin ka hor kulan noocan oo kale ah ku qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

BALCAD9.jpg
BALCAD7.jpg
BALCAD6.jpg
BALCAD5.jpg
BALCAD3.jpg
BALCAD4.jpg
BALCAD.jpg
BALCAD2.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/11/2012 9:18 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Wefdi ka socda UN-ka, oo uu horkacayo xiriiriyaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta magaalada Boosaaso soo gaarey.

7/11/2012 9:08 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Magaalada Boosaaso waxaa maanta soo gaarey Eng. Maxamed Axmed Saalax oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka. waxaana si diiran usoo dhoweeyey boqolaal kamid ah dadweynaha magaalada Boosaaso ku dhaqan.

7/11/2012 9:03 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal xalay ku dhexmaray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin warar sugan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu le'eg tahay.

7/11/2012 8:01 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya uu ka dilaacay cudurka daacuunka kaasoo saameyn ku yeeshay caruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool degmadaas.

7/11/2012 7:33 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha soo socota ee sannadkan ka dhici doona Muqdisho.

7/11/2012 6:44 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal ku qabsaday maanta deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ahayd saldhig weyn oo Al-shabaab ay ku tababarto xoogaggeeda.

7/11/2012 6:34 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Maamulka gobollka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ka dalbaday dowladda KMG in la soo gaarsiiyo magaalada Baladweyne howlaha durbaba ay ka bilaawday gobolladii dhawaan laga xureeyay Al-shabaab maxkamada ciidamada qalabka sida.