3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM oo dagaal ku Qabsaday Deegaanka Laanta-buuro ee Gobolka Shabeellada Hoose
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa dagaal ku qabsaday maanta deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ahayd saldhig weyn oo Al-shabaab ay ku tababarto xoogaggeeda.

Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa waxaa deegaankaas haatan ku sugan ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa DKMG ah oo wata gaadiidka dagaalka oo ay ka mid yihiin taangiyo, sida ay sheegayaan dadka deegaankaas ku sugan.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Laanta-buuro oo saldhig u ahayd Al-shabaab, khasaare waa jiraa laakiin dhinaca dowladda waa mid ku yar," ayuu yiri Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ah ee howgalkan ka qaybqaatay.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas 11-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, isagoo sheegay inaysan jiirn wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray, balse ma jiro il madax-bannaan oo xaqiijinaysa arrintan.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti ayaa isaguna sheegay in howgalka ay iska kaashadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayna u suuro-gashay inay ku qabsadaan deegaanka Laanta-buuro oo 40-KM dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.

"Ujeeddadeennu waa inaan xaqiijinno ammaanka shacabka Soomaaliyeed sidoo kalena laga hortago weerarrada kaga imaanaya argagaxisada," ayuu yiri Jen. Gutti oo sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalka saakay looga qabsaday deegaanka Laanta-buuro oo ahayd goobtii ay saldhigga ka dhigteen markii lagala wareegay gacan ku haynta degmada Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/11/2012 9:18 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Wefdi ka socda UN-ka, oo uu horkacayo xiriiriyaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta magaalada Boosaaso soo gaarey.

7/11/2012 9:08 AM EST
Arbaco, July 11, 2012(HOL): Magaalada Boosaaso waxaa maanta soo gaarey Eng. Maxamed Axmed Saalax oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka. waxaana si diiran usoo dhoweeyey boqolaal kamid ah dadweynaha magaalada Boosaaso ku dhaqan.

7/11/2012 9:03 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal xalay ku dhexmaray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin warar sugan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu le'eg tahay.

7/11/2012 8:46 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay xoojinta amaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta ka dhacay warshadii dharka ee Balcad, kaasoo ay ka qeyb-galeen waxgarad, nabadoonno iyo culumaa'uddiinka degmadaas.

7/11/2012 8:01 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya uu ka dilaacay cudurka daacuunka kaasoo saameyn ku yeeshay caruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool degmadaas.

7/11/2012 7:33 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha soo socota ee sannadkan ka dhici doona Muqdisho.

7/11/2012 6:34 AM EST
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Maamulka gobollka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ka dalbaday dowladda KMG in la soo gaarsiiyo magaalada Baladweyne howlaha durbaba ay ka bilaawday gobolladii dhawaan laga xureeyay Al-shabaab maxkamada ciidamada qalabka sida.