4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2012
Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya oo lagu Weeraray Qarax Miino Xilli laga qaybinayay Kaararka Codeynta
Jimco, December 14, 2012 (HOL) — Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay maanta qarax miino xilli halkaas dad haysta dhalashada dalka Kenya loogu qaybinayay kaararka looga qaybgalayo doorashada madaxnimo ee sannadka soo socda ka dhacaysa Kenya.

Hal qof oo haweeney ah ayaa la sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacantay, iyadoo booliiska Kenya ay qabqabteen markiiba dhowr qof oo ay ku eedeynayaan inay ka dambeeyeen weerarakaas.

"Markii uu qaraxu dhacay dadka oo dhan way kala carareen; waxaan arkay ruux haween ah oo ku dhaawacmay, ciidamadu markiiba waxay billaabeen, qof walbana wuxuu galay gurigiisa," ayuu yiri goobjooge ku sugan xeryaha dhadhaab, isagoo ku daray intaas ku qaraxu uu ahaa mid aad u xooggan.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa ku eedeeyay weerarka Al-shabaab, balse ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas; waxaana uu qayb ka noqonayaa weerarro dhowr ah oo bilihii ugu dambeeyay ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Xeryaha Dhadhaab-Kenya oo ah kuwa ugu weyn dunida ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan Nus-malyuun qof oo Soomaali ah, iyadoo dhowr jeer oo hore ay qaraxyo ka dhaceen xeryahaas, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay qoxootiga xeryahaas ku jira.

Dalka Kenya ayaa lagu wadaa in sannadka soo socda ee 2013 horraantiisa ay ka dhacaan doorashooyinka madaxnimada, iyadoo cabsi weyn laga qabo in ammaanka uu noqdo mid faraha ka baxa, waxaase jira isku-dayo ay Kenya ku doonayso inay ku adkeyso ammaanka dalkeeda inta doorashooyinku socdaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya