3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhameystiray Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta dhameystiray xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, isagoo magacaabay shan wasiir u dowle iyo 20-wasiir ku xigeen.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra'iisul waasaraha, Faarax Cabdi Xasan ayaa u akhriyay saxaafadda magacyada xubanaha lasoo magacaabay, iyadoo la sheegay in wasaarad walba ay leedahay laba wasiir ku xigeen, maadaama ay wasaarad walba horyaallaan howlo fara badan.

Magacyada wasiir ku xigeennada ayaa waxay kala yihiin:

1. Inj. Maxamed Aadan Axmed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
2. Jamaal Maxamed Barrow, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda
3. Xasan Ibraahim Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
4. Jaamac Axmed Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo A. Qaranka
5. Maxamed Axmed Aadan, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
6. Abuukar Xasan Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
7. Bashiir Maxmaed Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
8. Maxamuud Macallin Yaxye, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta adeegga bulshada
9. Fahmo Axmed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
10. Xasan Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, diinta iyo owqaafka
11. Nadiifo Maxamed Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
12. Cali Sheekh Maxamed Nuur, wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska
13. Siciido Xasan Cismaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
14. C/raxmaan Maxamed Geeddi, wasiir ku xigeenka wasaaradda kheyraadka dalka
15. Axmed Maxamed Maxamuud, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
16. C/raxmaan Kulmiye Xiris (C. Dheere), wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga
17. C/qadir Shekh Ismaciil, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
18. Maxamed Cali Xagaa, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
19. C/shakuur Cali Mire, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta
20. Ibraahim Yaroow Isaaq, wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo isgaasriinta

Sidoo kale, magacyada wasiir u dowlayaasha la magacaabay oo shan xubnood ahaa ayaa waxay kala yihiin:

1. Faarax Sh. C/qaadir Maxamuud, wasiir u dowlaha xafiiska madaxweynaha Soomaaliya
2. Dr. Maxamed Nuur Gacan, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda
3. Mahdi Nuur Cali, wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka
4. Maxamed Rashiid Sheekh Daahir, wasiir u dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta
5. Max'ud Ismaaciil Barqadle, wasiir u dowlaha wasaaradda horumarinta adeegga bulshada

Wasiir u dowlayaasha iyo wasiir ku xigeennada la magacaabay maanta ayaa waxay ka dhigayaan tirada golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya 35 xubnood, iyadoo ay xukuumaddan noqonayso tii ugu tirada yarayd ee la magacaabo tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya labaatan sano ka hor.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdihso, Soomaaliya











Click here
12/13/2012 8:50 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlay ammaanka iyo horumarinta gobolka Hiiraan oo uu ka qaybgalay ugaaska beesha Xawaadle, ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa maanta lagu qabtay hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

12/13/2012 8:41 AM EST
Khamiis, December 13, 2012(HOL): Xuska 40 guurada far-soomaaliga ayaa lagu qaban doonaa magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti 17ka ilaa 22ka bishan Disambar ee 2012ka. Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxa lagu martiqaaday madaxda Soomalida ee geeska Afrika.

12/13/2012 8:31 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ururka raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose uu yahay mid ka wanaagsan sidii hore, isagoo xusay in dadkii horay uga barakacay magaaladaas ay dib ugu soo laabanayaan.

12/13/2012 8:12 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Guddomiyaha Urursiyaasadeedka Rays Mr; Xasan Maxmed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay in aanu ku qanacsanayn Natiijada ay soo saareen guddida doorashooyinku, maadaama oo wax isdaba marin iyo musuqmaasuq badani uu hadheeyey, waxaanu ugu baaqay komishanka inay is casilaan mar haddii ay masuuliyadii ummadda u hayeen ka soo bixi waayeen.

12/13/2012 7:45 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan albaabbadu u xiran yihiin kula qaatay, guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Aarnauut Cali oo booqasho ku jooga Muqdisho.

12/13/2012 5:41 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Mukhtaar Xassan Maxamed oo 27-bishii November ee ina dhaaftay loosoo xiray ama loo qabtay dilka guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade ayaa qirty in uu galay danbiga loo soo xiray oo ah in uu ahaa shaqsigii gacantiisa ku toogtay guddoomiyaha.

12/13/2012 1:25 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay isku furaan dhammaan gobollada Soomaaliya, kaddib markii isaga iyo saraakiil kale ay saxaafadda kula hadleen degmada Jowhar.

12/13/2012 1:08 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan wax wadahadal ah la galayn Al-shabaab iyo Al-Qaacida inta ay hubka wataan, balse ciddii ka tanaasusha fikirkooda ayuu sheegay inay soo dhaweynayaan oo ay labada gacmood ku qaadayaan.

12/13/2012 1:04 AM EST
Khamiis, December 13, 2012 (HOL) — 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug ka dhacay dagaallo khasaare dhaliyey oo dhex maray ciidamada badda ee Puntland iyo kooxo burcad-badeed ah.