4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2012
Guddoomiyaha Degmada Gaarisa ee dalka Kenya oo sheegay in la qabtay dad Soomaali ah iyo hub ay wateen
Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay shalay gallinkii dambe lix qof oo Soomaali ah iyo hub ay wateen, kuwaasoo la sheegay inay ka yimaadeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab ayna hubka u wadeen degmada Gaarisa.

Guddoomiyaha Degmada Gaarisa, Maxamed Macallin ayaa sheegay in afar qof oo ka mid ah dadka hubka watay ay baxsadeen, kaddib baabuurkii ay saarnaayeen lagu joojiyay deegaanka Lagdheera oo ka tirsan degmada Gaarisa.

"Toban qof ayay ahaayeen dadka hubka watay, waxaase noo suurogashay inaan qabannay lix qof oo ka mid ah oo ay ku jiraan laba haween ah, waxayna dadkaasi wateen hub isugu jiray bastoolado, bambooyinka gacanta iyo rasaas," ayuu yiri Maxamed Macallin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in hubkan la doonayay in dhibaatooyin looga geysto degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, laguna qabtay howgal ballaaran oo lagu sugayay ammaanka.

"Dadka la qabtay su'aalo ayaa la weydiinayaa, waxaase wararka hordhaca ah ay sheegayaan inay ka yimaadeen dhinaca xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee Kenya," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Gaarisa oo dhaawanahan ay ka dhacayeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Gaarisa wuxuu sheegay inay xog ku heleen hubka iyo dadka watay taasna ay keentay in la qabto, isagoo shacabka Kenyanka ah ugu baaqay inaysan gaadiidkooda ka kireyn wuxuu ugu yeeray burcadda dhibaatooyinka ka geysanaya dalkooda.

Maalmahan waxaa xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya lasoo dhoobay ciidammo fara badan oo Kenyan ah, kuwaasoo baaritaanno ku sameynayay gaadiidka iyo dadka u gudbaya gudaha dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya