4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Madaxweyne Shariif Sheekh oo Ololihiisa doorashada ka billaabay Muqdisho isagoo kulammo ku leh Madaxtooyada

Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu uu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho ka billaabay ololihiisa doorashada, isagoo kulammo kala duwan la leh xubno uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sheekh Shariif oo dalka soo xukumayay saddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa wuxuu ka mid yahay 25-ka murashax ee ku tartamaya kursiga madaxnimada dalka Soomaaliya, wuxuuna maanta u jeedin doonaa xildhibaannada baarlamaanka hadal ku saabsan barnaamijkiisa siyaasadeed.

Kulammo ayaa xalay oo dhan ka socday xarunta madaxtooyada, kuwaasoo qayb ka ah ololaha doorashada ee madaxweynaha, sidoo kale waxaa Muqdisho lagu arkayaa gaadiid ay ku sawiran yihiin sawirrada Sheekh Shariif oo ay ka daaran yihiin heeso guubaabo ah.

"Xalay oo dhan waxaa ka socday madaxtooyada kulammo ku aaddan sidii uu Shariif Sheekh u heli lahaa codad ku filan maalinta doorashada," ayay HOL kasoo xigatay xubno ku dhow-dhow madaxtooyada inkastoo ay codsadeen in magacyadooda aan la shaacin.

Murashaxiinta kale ee kursiga kula tartamaya madaxweynaha xilligiisu dhammaanayo ayaa waxay iyaguna ka wadaan Muqdisho abaabullo badan oo kuwaasoo ku aaddan sidii ay u heli lahaayeen codad ku filan marka doorashada la gaaro.

Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya oo dhacaysa 10-ka bishan oo Isniinta soo socota ku beegan ayaa waxaa laga dareemayaa Muqdisho isbedel weyn iyadoo ciidamada ammaanka ee dowladda iyo kuwa AMISOM ay wadaan howgallo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.

Sheekh Shariif ayaa rajo weyn ka qaba inuu dib ugu soo laabto kursiga, waxaana uu horay u sheegay inuu ku qancayo natiijada kasoo baxda doorashada wax walba oo ay noqoto, uuna wareejin doono xafiiska haddii laga guuleysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya