4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2012
Bam-gameed sababay khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac oo xalay ka dhacay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bam-gacmeed xalay lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla isgoyska cunaaye ee xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo kooxaha weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay ayaa sheegay in weerarkan ay geysteen kooxo ka tirsan Al-shabaab, iyagoo xusay inay baxsadeen kooxihii weerarka ka dambeeyay, balse ay wadaan baaritaanno ay ku baadi-goobayaan.

"Bambaano ayaa lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla agagaarka suuqa xoolaha ee Baydhabo, waxaan dhintay haweeneydii goobta ganacsi lahayd, laba qof oo askari uu ku jirana way ku dhaawcmeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo oo la hadlay HOL.

Goobjoogaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ciidamada dowladda ay fureen rasaas fara badan qaraxa kaddib laakiinse aan geysan wax khasaare ah, iyadoo kooxihii weerarka ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Al-shabaab ayaan ka hadlin weerarka, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo habeen hore kooxo hubeysan weerar geystay dhaawacyada laba ka mid ah guddoomiyaha degmada Baydhabo ay ku qaadeen guriga guddoomiyaha.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya, waxaana tan iyo xilligaas ka dhacayay qaraxyo khasaare badan geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya