7-Axmed Ismaaciil Samatar
8-Xasan Sheekh Maxamuud
9-Yuusuf Garaad Cumar
10-Cumar Salaad Cilmi
11-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
12-Bashiir Nuur Xasan (Bidaar)
13-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
14-C/qaadir Cosoble Cali
15-C/raxmaan C/shakuur Warsame
16-Xuseen Khaliif Jaamac
17-Maxamed Axmed Saalax
18-Salaad Cali Jeelle
19-Ibraahim Cali Xuseen
20-Saciid Ciise Maxamuud
21-Cismaan Maxamed Gacal
22-Maxamed C/llaahi Oomaar
23-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf
24-Maslax Maxamed Siyaad Barre
25-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
Cusmaan Libaax waxaa uu intaas ku diray in labada maalmood ee soo socda ee ay taariikhdu tahay 7-da iyo 8-da bisha ay musharrixiinta waxqabadkooda ka hor jeedin doonaan mudanayaasha Baarlamaanka, isugu jirta si ay xildhibaannada u doortaan midkii ay u arkaan in uu waxqaban karo iyadoo 9-kana ay tahay maalin nasasho iyo olole isugu jirta.
Shuruudaha lagu xiray musharraxiinta isu soo taagay xilka madaxweyneimada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa:
1-In uu yahay muwaadin Soomaali ah, Muslim ah
2- Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano
3- Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas
4- Dhimirkiisu dhan yahay
5-Aan Gelin dembii culus oo ay maxkamadi xukuntay.
6-In uu la yimaado dukumiintiyo caddeynaya Soomaalinimadiisa, maadaama musharraxiinta badankood ay heystaan baasaboorrada wadammo kale.
7- In uu bixiyo lacagta diiwaangelinta oo dhan 10 kun oo dollar.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, 10-ka bishan September oo ku began Isniinta soo socota ayaa waxaa loo asteeyay in ay dhacdo doorashada madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in maalintani ay tahay maalin ay si weyn u sugayaan shacabka Soomaaliyeed meel ay dunida ka joogaan, waayo waa markii ugu horreysay oo muddo 21 sano badan dowlad loogu dhiso gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo welibana ay dowladdu tahay mid aan Kumeel gaar ahayn. Horay waxaa ay xildhibaannada u doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]