4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo kasoo horjeestay go’aan lagu diiday Murashaxiin ay u xusheen ka qaybgalka doorashada Somaliland
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal kasoo baxay guddida diiwaangelinta doorashooyinka madaxweynenimo ee Somaliland oo sharci-daro ku tilmaamay shirkii lagu doortay musharaxiinta doorshada madaxweynenimo ee Somaliland uga qaybgeli doona xisbiga UDUB oo kala ah, Cali Waran-Cadde iyo Axmed Xaaji Daahir.

“Aad baan uga xumahay warqadda ay soo saareen guddida diiwaan-gelinta oo ay leeyihiin musharaxiin baanu ku laalnay, xisbiga ayaa musharaxnimada samaysta ee guddida diiwaangelintu uma samayso, sida ay musharax u yihiin ayey u ahaanayaan”ayuu yidhi gudoomiye Daahir Rayaale oo u jawaabayey guddida diiwangelinta ururadda siyaasadda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay wax ka bedel ku sameeyeen xeer hoosaadkooddii, isla markaana ay ahayd inay ka war sugaan in sida xeerku dhigayo marka isbedel lagu sameeyo 15 cisho gudahood loogu soo gudbiyo guddida diiwaangelinta, balse uu tilmaamay inay ka degdegeen, iyadoo aan wali loo soo gudbin isbedelkaasi lagu sameeyey xeer hoosaadkoodda ay iska soo saareen qoraal ay ku laalayaan musharaxiinta xisbiga UDUB ee madaxweynenimadda.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga UDUB ayaa sheegay inuu jiro khilaaf hadheeyey xisbiga, balse aanu ahayn mid kaligood uun ku kooban ee xisbiyada kale uu soo maray khilaafku, isla markaana aanu xisbigu khilaaf dhacay aanu u joogsanayn.

“Guddida diiiwaangelinta waraaqdan ay soo qoreen wxaan u arkaa inay dacaayadaynayaan xisbiga,  gudidu ha ku soo noqdaan dhexdhexaadnimadii iyo garsoorkoodii, go’aankayagiina waxba kama bedelayo”ayuu raaciyey hadalkiisii.

Dhinaca kale, guddidda Diiwaangelinta ururadda siyaasada ayaa sharci daro ku tilmaamay shirweynihii uu xibsiga UDUB ku doorteen musharaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka uga qaybgali doona doorashooyinka madaxtinimo Somaliland ee mustaqbalka.

Qoraal ay toddobada xubnood ee gudidda diiwaangleintu ka kooban ay soo saareen, ayaa lagu sheegay in musharaxnimada Cali Waran-cadde iyo Axmed Xaaji Daahir ka hor imanayso qodobka 11-aad ee dastuurka Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, gudoomiyaha guddida diiwaangelintu waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe ee lagu doortay Musharaxiintani aanay waxba ka jirin, ilaa uu xisbigu qabsado shirwayne guud, sidaa daraadeedna laga saaray liiska Musharaxiinta, iyagoo faray Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin inuu u hogaansamo shuruucda Dalka, isla markaana Ixtiraamo Nidaamka u yaala Xisbiga.

Guddidda diiwaangelinta iyo Axsaabta Ururadda Siyaasada, ayaa  Shaqadoodu tahay ku ilaalinta shuruucda u yaala Axsaabta iyo inay ka war hayaan shirweyneyaashoodda marka ay qabsanayaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland