4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
AMISOM oo sheegtay inay qabsatay deegaanka Miido ayna ku waday dagaalladii dhacay shan ka mid ah askarteeda
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay ku waayeen dagaalkaas shan ka mid ah askartooda.

Warsaxaafadeedyo ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in dagaalkaas ay ku dileen 36 ka mid ah xoogagga Al-shabaab ee ay la dagaalameen, iyagoo beeniyay in degmada Afmadow ay qabsatay Al-shabaab.

AMISOM waxay sheegtay in dagaalkaas ay ku burburiyeen toddoba gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa sahayda qaaada oo ay lahayd Al-shabaab, sidoo kalena ay ku qabsadeen deegaanka Miido oo ay ku sheegeen inuu yahay deegaan muhiim ah oo u sahlaya qabsashada degmada Kismaayo.

"Shan askarta Kenya ka tirsan oo ka mid ah xoogagga AMISOM ayaan dagaalkaas ku waynay, lama oga xaaladda ay ku sugan yihiin, basle waxaa socda baaritaanno lagu raadinayo," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay AMISOM, waxaana sidoo kale lagu sheegay in saddex askari ay kaga dhaawacmeen, kuwaasoo hadda lagu daweynayo deegaanka Dhoobley.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa howgalkaas ku tilmaamay mid guul ah, isagoo sheegay in qabsashada Miido ay dadka deegaanka u horseedayso inay ku noolaadaan nabad ayna ka madaxbannaanaan doonaan argagaxii iyo amar-ku-taagleytii Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay kusoo bandhigtay degmada Kismaayo maydadka afar askari oo laba ka mid ah lagu sheegay inay u dhasheen dalka Kenya, balse ma sheegin AMISOM in ciidamada lagu soo bandhigay Kismaayo ay ka mid yihiin kuwii ay ku waayeen dagaalkii ka dhacay Miido.

"Afmadow waxaa gacan buuxda ku haysa AMISOM," ayuu yiri Jen. Gutti oo sheegay in warka kasoo baxay Al-shabaab ee ah inay qabsadeen uu yahay mid aanay waxba ka jirin, balse goobjoogayaal ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in gudaha degmadaas lagu arkay habeenkii Sabtida dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalladii ka dhacay deegaanka Miido ayaa dadka ku nool gobolka Jubbada hoose waxay ku tilmaameen kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca degmadaas tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar 2011.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay dagaalkaas kusoo rideen diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay lahayd dowladda Kenya, kana qaybqaadanayay dagaalka, basle ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya.

Mas'uuliyiinta ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka ayaa xusay inay ku wajahan yihiin degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ah goob ay awood badan ku leedahay Al-shabaab, iyadoo laga darmeeyo degmadaas dagaallada ka socda hareeraha Afmadow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya