4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Hay'adaha CPD iyo SOYDEN oo soo gabgabeeyay Barnaamij Tababarro lagu siinayay Dhalinyaro isugu jiray Gabdho iyo Wiilal
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Hay'adaha CPD iyo SOYDEN oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta dhallinyarada ayaa soo gabgabeeyay tababar muddo sideed bilood socday oo lagu tababarayay dhallinyaro ay saameyn ku yeesheen colaadaha dalka ka jira.

Xaflada qalin-jabinta ah oo ka dhacay Muqdisho Khamiistii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka qaygbalay mas'uuliyiin ka socda maamulka gobolka Banaadir, waxanaa shahaadooyin lagu guuddoonsiiyay ardaydii kaalimaha hore ka galay waxbarashada iyo tartammo lasoo galay.

Ardayda tababarka loosoo xiray ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 1,000 kuwaasoo isugu jiray 500 oo gabdho ah iyo 500 oo wiil ah, waxaana la baray dhallinyaradan casharro ay ka mid yihiin: dhisidda nabadda, sharciga iyo qaanuunka, dhaqanka bulshada, diinta Islaamka iyo qoraalka iyo aqriska farta Soomaaliga.

Sidoo kale, waxaa la baray farsamooyin ay ka mid yihiin: makaanikada, farsameynta taleefoonnada gacanta (Mobile) iyo kambiyuutarrada, iyadoo barnaamijkan ay maal-gelinaysay hay'adda UNDP ayna fulinayeen hay'adaha CPD iyo SOYDEN.

"Ardayda shahaadooyinka la guddoonsiiyay waxaa laga soo ururiyay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood, waxaana la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjumaya waxyaabihii ay barteen. Waxaana dhawaan aan billaabi doonaan in arday kale aan waxbarasho u furno," ayuu yiri Cali Siciid Cumar Ibraahim oo ah madaxa hay'adda CPD.

Dhallinyaradii dhameystay waxbarashada barnaamijka [Youth for Change] oo ay u dhexeysay da'dooda 18-jir illaa 40-jir ayaa waxaa guddoonsiiyay shahaadooyinkii iyo billadihii ay ku guuleysteen guddoomiye ku xigeenka dhinca siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Cali Guure.

Ugu dambeyn, ardaydu waxay kusoo bandhigeen xiritaanka tababarka ruwaayad ka tarjumaysay isbedelka ku dhacay noloshooda iyo farqiga u dhexeeya intii aysan wax baran iyo hadda oo ay waxbarteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya