4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murashaxiinta
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.

Afhayeenka guddiga doorashada, Cismaan Libaax Ibraahim oo kulan ay yeesheen kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaali ah uu u tartami karo xilka madaxweynenimo ee dalka, balse loo baahan yahay inuu yahay qof aa dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay, aysanna da'diisu ka yaraan 40-sano.

"Musharax walba waxaa laga doonayaa inuu soo gudbiyo arjigiisa iyo warqad ay ku caddatay taariikhdiisa waxbarasho iyo midiisa shaqo, waana inuu yahay qof karti iyo aqoon u leh howsha loo dhiibayo," ayuu yiri xildhibaan Cismaan Libaax.

Guddiga doorashada ayaa waxay shalay shaaciyeen in 10-ka bishan September ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo shuruudaha lagu xiray murashaxa ay ka mid yihiin inuusan ahayn qof dhimirka wax ka qaba.

Afhayeenka guddiga oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay arrintan ku saabsan in laga doonayo murashax walba inuu 20 xildhibaan ka hayso taageero ayaa wuxuu sheegay in arrintaas ay uga fursan waayeen baarlamaanka ayna berri horgelin doonaan baarlamaanka, go'aankii la gaarana la shaacin doono.

Xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxaa u taagan murashaxiin fara badan oo Muqdisho kawada olole xoog leh, waxaana murashaxiintaas ka mid ah siyaasiyiin fara badan oo mid walba uu hanqal kaga jiro inuu xafiiska madaxweynaha fariisto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya