4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir iyo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta Somaliland, kaddib markii khilaaf awgiis xilka looga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaas.


Warsaxaafadeed saakay kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in wasiirka wafaafinta Somaliland loo magacaabay Abiib Diiriye Nuur oo horay u ahaa la taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, xilal kala duwanna kasoo qabtay xukuumadihii Somaliland soo maray.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland ayaa waxaa loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo horay u ahaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland, halka afhayeenka madaxtooyada loo magacaabay agaasimihii telefishinka Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul. Halka agaasimaha taleefishinka Somaliland loo magacabaay, Axmed Cali Gaas.

Wasiirkiii hore wafaafinta Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa la sheegay inuu khilaaf adag soo dhex-galay agaasimayaasha wasaaraddaas, taasoo keentay inuu xilka ka qaado laba agaamise, talooyin badan kaddibna uu madaxweyne Siilaanyo go'aansaday inuu xilka ka qaado.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo uu xilal ka qaado wasiirro kuwo kalena u magacaabo tirsan fariista xafiiska looga taliyo Somaliland iyo markii uu xilka qabtay bartamihii bishii July ee sannadkii 2010.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo uu kaga qaybgalayo aas berri loo sameynayo ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo xanuun dhinaca caloosha ah ugu geeriyooday dalka Belgium dhammaankii bishii Ogoosto ee aynu soo dhaafnay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya