4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Suxufiyiinta Ingiriiska iyo Ireland oo taagero weyn u muujiyay suxufiyiinta Soomaaliyeed


Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

Dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo leh hal urur ayaa waxaa ay si weyn uga hadleen mashaakilaadka saxaafadda caalamka heysta, waxaanay shirkooda xoogga ku saarayeen dalalka Soomaaliya iyo Burma.

 

Marka ay timaado  Soomaaliya waxaa ay si gaar ah uga hadlay John McDonnell oo ah xildhiban ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska oo u ololeeya difaacitaanka suxufiyiinta. John McDonnell ayaa waxaa uu shirka u sheegay in 47 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ay qoraal wada jir ah ay u gudbiyeen dowladda Ingiriiska, taasi oo ay uga hadlayaan dhibaatada heysata suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

McDonnell waxaa uu sheegay in ay cadaadin ku saarayaan dowladaha caalamka sidii loo difaaci lahaa suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo xusay in dowladda Ingiriiska ay dadaal xoog leh ku bixineyso sidii ay u xasilin laheyd dalka.

 

“Haddii la rabo in ay Soomaaliya xasillooni ku soo laabato, waa in xuquuqda hadalka la  dhowro, sidoo kalena suxufiyiinteeda la nabadgeliyaa, ayna helaan deegaan nabdoon oo ay ku shaqeeyaan” ayuu yiri John McDonnell oo ah mudanhihii ugu horreeyay ee u istaaga difaacitaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Michelle Stanistreet oo ah Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Ingiriiska iyo Ireland ee loo yaqaano NUJ ayaa sheegtay in waxa Soomaaliya ka dhacaya ay tahay wax aan indhaha laga qabsan karin oo u baahan in suxufiyiinta korka u dhaafaya 40 kun ee ay hoggaamiso looga baahan yahay in ay garab istaagaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 


Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa lagu martiqaaday shirkan si uu uga warbixiyo xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo khataraha soo wajaha suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa  lagu soo dhaweeyay shirkan wuxuuna shirka ka  jeediyay khudbad dheer oo taabanayso dhinacyo kala duwan sida  caburinta lagu hayo saxaafadda madaxa banaan, dilalka loo geysanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, ku tumashada xuquuqyado shaqo ee suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo qodobo kale.

 

“Saxaafadda Soomaaliya waxaa ay maanta arkaysaa wax aysan weligeed arag. Dilkii waa uu sii batay, caburintii xadka ayay dhaaftay, suxufiyiintii waxaa ay noqdeen kuwa aan xuquuq laheyn” ayuu yiri Cumar Faaruq oo ergooyinka shirweynaha hortooda ka hadlayay. “Sanadkan kaliya ayaa waxaa la dilay 15 suxufi iyadoo 7 ka mid ah la dilay bisha September oo kaliya iyagoo lagu dilay magaalada Muqdisho” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cumar Faaruuq.

 


“Waxaad isdhihi kartaan in suxufiyiinta dil uun loo geysto, balse waxaan rabaa in aan idiin sheego in ay jiraan dad usoo shaqo tagay in ay suxufiyiinta xuquuqyadooda shaqo ee aas aasiga ah ku tuntaan. Marka waxaa halkaan idinkaga muuqanaya in suxufiyiinta meel kasta laga dhibaateynayo” ayuu mar kale yiri Cumar Faaruuq. 

 

Intaas kaddib  shirweynaha ayaa meel mariyay go’aan lagu taageerayo ururka NUSOJ iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo taageeradanna ayaa isugu jirto mid maaliyadeed iyo mid siyaasadeed, wuxuuna Shirweynaha go’aankan u meel mariyay si aqlabiyad ah.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]