4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Dableey hubeysan oo saddex qof oo shacab ah ku dilay deegaan hoos taga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan ee maamulka dowladda Soomaaliya Max’ed Warsame Nuur oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in kooxihii dilka geystay ka baxsadeen goobta, islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

"Waxaa ay ahaayeen kooxo doonaya ay fino ka dhax abuuraan dadka ku wada dhaqan degmada, howlgalo lagu baadi goobayo ayaa socda, marka gacanta lagu soo dhigana sharciga ayaa la horkeeni doonaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha  degmada Mataban.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisu si adag u canbaareynayo dilka dadka rayid ah, isaga oo sheegay in looga baahan yahay dadka ku dhaqan degmada Matabaan in ay u is taagaan sidii looga hor tagi lahaa kooxaha falalka amaan darro geysanaya.

Ragga la dillay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin dadka tuulada Oomane, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilkooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya