4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Shirkadda Xawaalada Amaana oo gaarsiisay qoysas dhibaateysan deeq ay soo direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Los Angeles


Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

 

Deeqda shirkada Amaana ay u qeybisay qoysaska dhibaateysan ayaa ka timid Jaaliyada Soomaaliyeed ee Los Angales dalka Mareykanka oo lacag dhan $ 3500 oo doolar ugu deeqay qoysaska daruufaha nolaleed ay la soo darseen, sida uu HOL u sheegay mas’uulka shirkada ee magaalada Baladweyne Xassan Ibraahim Xalane.

 

‘’Sida aad la soctaan maalmihii ugu danbeeyayba shirkadu arrimahan ayeey aad ugu mashuulsaneyd, lacagtan waxaa ay naga soo gaartay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Los Angales oo ay wakiil ka ahaayeen shaqsiyaadka kala ah Cismaan C/llaahi Guure,( Fargeeto)  C/llaahi Xaaji Xusseen (hoombooy) iyo Max’uud Faarax Wabi ayuu yiri mas’uulka shirkada ee magaalada Baladweyne.

 


Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jirto lacag dhan $ 774 doolar oo ka timid Cabdi Faarax Laqanyo oo ku nool magaalada London ee dalka Britain, kaa oo ka damqaday dhibaatada ka dhalatay fatahaadii ugu danbeysay ee ku dhuftay magaalada.

 

‘’Kadib qiimeyn ay sameysay shirkada waxaa gargaarka lagu bixiyay labo waji oo kala ah raashin oo dadka u baahan la siinayay iyo waliba lacag cadaan ah, waxaana ka faa’ideysay qoysas dhan ilaa 126 qoys.

 

Shirkada Amaana ayaa sidoo kale dhinaceeda ugu deeqday qoysaska munaasabada cida awgeed 100 neef oo Ari ah si ay dadka uga qeyb-qaataan farxada maalmaha Ciidul-adxa, waxaana ay mas’uuliyiinta shirkada Ammaana sheegeen in ay u qeybiyeen ilaa 200 qoys ku dhawaad, madaama neefkii Ari ahba leysku siinayay labo qoys.

 


Sikastaba munaasabada Ciidul-adxa ayaa ku soo beegantay xili kumanaan qoysaska ah oo ku nool magaalada Baladweyne yihiin gargaar sugayaan u baahan in la soo kaalmeeyo, xili ay wali sii socdaan roobab-ka waqtiga deyrta.





 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.