4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA: "Shirkadaha shisheeye ee aan Baarlamaanka lasoo marsiin waa kuwo dalka ku jooga sharci darro"
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

Mudane Jawaari wuxuu sheegay in shirkadaha shisheeye ee dalka ku sugan ay yihiin kuwo ay hor-boodayaan shaqsiyaad Soomaaliyeed oo aan fasax ka haysan dowladda, taasna ay tahay mid aan la ogolaan karin.

"Shirkadaha shisheeye ee aan Baarlamaanka lasoo marsiin waa kuwo aan dalka ku joojin sharci, lamana ogolaanayo inay gudaha dalka ka shaqeeyaan," ayuu yiri  Jawaari oo hadal u jeedinayay xildhibaannada baarlamaanka Arbacadii shalay oo la ansixiyay miisaaniyadda dowladda ay ku shaqeyso bilaha sannadkan ka harsan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa hadalkiisan wuxuu imaanayaa xilli shirkado kor u dhafaaya tobaneeyo ay ku sugan yihiin dalka ayna ka howgalaan qaybo kala duwan oo uu garoonka diyaaaradaha Muqdisho ka mid yahay.

Muranka ku saabsan shirkadaha shisheeye ee dalka ka howlgalaya ayaa wuxuu ahaa mid soo jiray tan iyo markii ay jirtay dowladdii KMG ahayd, iyadoo dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay shirkadahaas qaar ka mid ah ay iyagu dalka soo geliyeen.

Lama oga go'aanka kama dambeysta ah ee uu baarlamaanka cusub qaadan doono haddii shirkadahan ay dhegaha ka fureystaan inay hortagaan baarlmaanka si ay u weydiistaan kalsooni ay dalka uga shaqeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya