4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga oo Al-shabaab ku eedeeyay inay dhac ku geystaan direyska Ciidamada Dowladda Soomaaliya
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

Jen. Dhego-badan ayaa sheegay in Al-shabaab markii laga adkaaday ay billaabeen inay xirtaan direeska ciidamada ayna si dhuumaaleysi ah kusoo galaan goobihii ay ciidamada dowladdu ka qabsadeen dabadeedna ay dhaca u geystaan shacabka.

"Howshan waa mid ay Al-shabaab kasoo shaqeysay si ciidamada dowladda loogu eedeeyo dhibaatada ay shacabka u geystaan. Waxaan caddeynaynaa in kooxaha Al-shabaab ay dhac ku geystaan dharka ciidamada dowladda," ayuu yiri jeneraalka oo intaas ku daray inay arrintan wax ka qaban doonaan.

Abaanduuluhu wuxuu hadalkiisa daba-dhigay in ciidamada dowladda aysan ahayn kuwo dadka shacabka ah dhaca, balse cid walba oo dharkood wadata loo qaato inay iyagu yihiin kuwa dhaca geystay.

"Shacabku waa inay iska hubiyaan dadka wata direeska ciidamada dowladda si aysan dhibaato ugas oo gaarin," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo saraakiisha ciidamada dolwaddu ay sheegaan in aysan ciidamada dowladdu dhac geysan, balse dad direyskooda ay dhac geystaan ayaa haddana degmooyinka laga saaray Al-shabaab waxaa laga soo sheegayaa dhibaatooyin ay ciidamada dowladdu u geysanayaan shacabka halkaas ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya