4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo wefdi uu horkacayo oo Garoowe soo gaarey


Axad, October,21, 2012 (HOL)- Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe, waxaa maanta soo gaarey wefdi heer sare ah oo ka socda ururka midowga Yurub, uuna horkacayey safiirka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya, Michele Cervone.

 

Wefdigan oo dhowr xubnood ka koobnaa, waxay xarunta madaxtooyada kulan muddo kooban socdey kula qaateen, madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), ku-xigeenkiisa Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay kamid ahaayeen: Wasiirka arimaha gudaha Gen. (Ilko-jiir) iyo wasiirka cadaaladda Cabdikhaliif (Ajaayo).

 

Markii uu kulankaasi soo gaba gaboobey kadib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay madaxweyne Cabdiraxmaan(Faroole), isagoo ka warbixiyey waxyaabihii ay wefdiga EU ka socda isla soo qaadeen.

 

Wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Burcad badeeda, islamarkaana midowga Yurub uu gacan uga geysan lahaa tayeynta ciidamada badda ee Puntland.

 


"Waxan ka wada hadalnay sida la isaga kaashan karo la dagaalaka Burcad deeda iyo sidii ay gacan nooga siin lahayeen tayeynta ciidamada la dirira burcad badeeda" madaxweyne Faroole ayaa yiri.

 

Waa markii labaad ee uu wakiilka cusub ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya uu Puntland soo gaaro tan iyo intii xilkaas loo magacaabay, waxayna ahayd markii ugu horeysey ee uu yimaado 23 bishii lasoo dhaafay ee September.

 

Michele Cervoni wuxuu shalay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u gudbiyey waraaqo muujinaya aqoonsigiisa safiirnimo.

 

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaliya