4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Safiirka Soomaaliya ee Rwanda oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Rwanda


Axad, October 21, 2012(HOL): Safiirka Soomaaliya ee Rwanda Ambassador C/llaahi Shiikh Maxamed ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha dalkaas Mr. Paul Kagame, iyadoo maamuus aad u heer sarreeyana loogu sameeyay madaxtooyada Kigali ee Rwanda.

 

Safiirka ayaa markii uu warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Rwanda ayaa kaddib waxay wada qaateen kulan gaar ah, kaasi oo ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan isbedelladii ka dhacay Soomaaliya oo ka gudubtay xilligii KMG ahaa.

 

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa si weyn u dhaweeyay isbedelka ka dhacay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan dalka Soomaaliya, isla markaana ay daneynayaan in ay dhibaatada ka baxdo Soomaaliya maadaama uu dalkiisuba dhibaato baaxad weyn uu soo maray, haatanna uu ka mid yahay dalalka Afrika ugu nabadgelyada fiican.

 


Safirka Soomaaliya ee Rwanda C/llaahi Shiikh Maxamed ayaa markii laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo waxaa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Dalka Rwanda, kuwaasi oo loo sii diyaariyay munaasabadda Safiirka lagu soo dhaweeyay.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa safiirrada ay dalalka dibadda u magacawdo waxay noqon doonaan kuwo u shaqeeya sida safiirrada dalalka caalamka, waayo Soomaaliya hadda waxaa ka jirta dowlad aan KMG ahayn oo rasmi ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]