4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya oo holwgallo dad lagu soo qabqabtay Muqdisho ka fuliyay

Axad, October, 21, 2012 (HOL)-Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ayaa saaka ka sameeyeen magaalada xaafado ka tirsan Degmooyinka Magaaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo qabqabteen rag hubeysan oo dil iyo dhac ka geystay.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka  Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen ciidamada lagu soo qabtay labo nin oo hubeysan, kuwaasi oo dil iyo dhac geystay. “Labada nin ee la soo qabtay mid waxaa uu jidka u galay oo uu rasaaseeyay ciidamada dowladda oo qof dembile ah waday, halka midka kalena uu qof rayid ah ku toogtay Isgoyska Bakaaraha, haatanna labadaas nin waxa ay ku xiran yihiin xarunta baarista dembiyada”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

 

Jen. Maalin ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa, isla markaana ay howlgallada sii wadi doonaan howlgallada ay ammaanka ku sugayaan. “dhawaanahan ammaanka Muqdisho waa uu soo hagaagayay mana jirin qaraxyo iyo bambaanooyin meelo lagu tuuray oo Muqdisho ka dhacay”ayuu hadalkiisa ku sii daray Jen. Axmed Xasan Maalin.

 

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa ka soo hagaagaya sidii uu ahaa, waxaana la filayaa in uu ka sii fiicnaado sida uu hadda yahay marka la soo dhiso xukuumadda Soomaaliya, taasi oo ay wasiirradeeda amniga qaabilsan ay si rasmi ah ula wareegi doonaan howlaha horyaalla.

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya