4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2012
Shirkada Xawaladda Jubba Express oo deeq lacageed gaarsiisya qoysas ku dhibaateysan magaalada Baladweyne


Jimco, Oktoobar, 19, 2012 (HOL) -  Shirkada Xawaalada Jubba Express ayaa maanta gaarsiiyay deeq lacageed qoysas dhibaateysan oo isugu jiray kuuwii ay saameynta ku yeelatay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qoysas ay la soo darseen daruufo kale oo dhinaca nolasha ah.

 

Cawaale Cabdi Faarax oo ah wakiilka shirkada Jubba Express oo deeqda garsisayay qoysaska dhibaateysan ayaa HOL uga waramay cadadka lacagta ay bixiyeen tirada dadka ka faa’ideystay gargaarka ay shirkadu bixisay.

 

‘’Marka qoysaska waxaa ka soo xulanay xeryaha ay ku barakaceen, shirkadu waa ay ugu talagalay ilaa 1000 qoys in qoyskiiba la siiyo lacag dhan $ 100 doolar, waayo sida aan ognahay maalmihii ugu danbeeyay dadkan waxaa la siinayay raashin, sidaa daraadeed waxaa garanay in aan lacag siino si ay ugu fushadaan adeeg kale oo ay u baahan yihiin,’’ Cawaale Cabdi Faarax.

 


Dadkii ka faa’ideystay gaargaarka ay maanta bixisay shirkada Jubba Express ayaa siweyn u sooo dhaweeyay deeqda la soo gaarsiiyay, waxaana ay sheegeen in gargaarkan uu noqonaya tii ugu balaarneyd oo soo gaarta.

 

Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii ay fatahaadu ku dhufatay magaalada Baladweyne waxaa jiray gurmad xoog leh oo la gaarsiinayay dadka ay dhibaatadu soo gaartay, waxaana qeybta ugu weyn gurmadaas ka qaatay shirkadaha xawaaladaha, kuwa is gaarsiinta, jaaliyadaha dibada, iyo waliba dad kale oo iskood isku xil qaamay.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya,