4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 19, 2012
Ciidamada Badda Puntland oo gacanta ku dhigay hub badan oo laga dejiyay Xeebta Degmada Qandala ee Gobolka Bari [SAWIRRO]

Jimco, Oktoobar 19, 2012  (HOL) - Ciidamada badda Puntland ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen meel u dhow degmada Qandala ee gobolka Bari, kusoo qabtay hub sharci daro ah oo laga soo dejiyey meel xeeb ah oo degmadaas wax yar ka durugsan.

Hubkan ayaa isugu jirey: Baasuukeyaal, Miinooyin , Dhashiikeyaal, Rasaas, Fuyuusyo iyo  budada laga sameeyo walxaha qaraxa, waxaana warbaahinta usoo bandhigay madaxda ugu sareysa maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Qandala.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hubkan ay si qarsoodi ah degaanka lagu magacaabo (Khooriga) oo Qandala dhowr Km ka durugsan uga soo dejiyeen rag Ajnebi ah oo la aaminsan yahay in ay Carab ahaayeen, islamarkaana watey doon yar oo nooca dheereeya ah.

Wuxuuna intaas ku daray in hubkan oo jawaano ku cabeysnaa ay ku xabaaleen meel xeebta u dhow si aan loo arkin, haseyeeshee qaar kamid ah dadka deegaanka oo dhaq dhaqaaqooda la socdey ay maamulka degmada kusoo wargeliyeen, kan degmaduna uu maamulka gobolka lasoo socodsiiyey.

“Bulshada deegaanka Qandala ayaa nagu soo wargeliyey in ay hub ku arkeen Khuuriga oo ah meel degmada Qandala dhowr km u jirta, baaritaan kadib waxa noo suurta gashay in aan meeshii lagu aasey helno, gacantana kusoo dhigno” Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa yiri.

Mr Gallan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey in uu bilowday baaritaan ku aadan sidii loo ogaan lahaa ciddii uu hubkani ku socdey, natiijadana ay dib kasoo sheegi doonaan.

Meelo badan oo kamid ah xeebaha dalka waxaa sanad walba si qarsoodi ah looga soo dejiyaa hub sharci daro ah, kaas oo intiisa badani ka yimaada dhinaca dalka ay Soomaaliya xuduud badeedka leeyihiin ee Yemen.

Bishii July ee isla sanadkan ayey ahayd markii sidan oo kale ciidamada amaanka ee Puntland ay gacanta ugu soo dhigeen doon yar oo hub sidey iyo weliba qaar kamid ah dadkii saarnaa oo ay dhalashadoodu Yemen ahayd.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir
[email protected]
Puntland, Soomaaliya