4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Baarlamaanka oo dib u dhigay Ansixinta Miisaaniyad loogu talo-galay inay Dowladdu ku shaqeynayso bilaha sannadka ka haray
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay maanta ansixinta miinaasiyad loogu talogalay inay dowaddu ku shaqeyso bilaha ka haray sannadkan 2012, kaddib doodo adag oo ay xildhibaannadu ka yeesheen miisaaniyaddan.

Kulankan oo ay soo xaadireen 170-xildhibaan ayaa waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo sheegay in miisaaniyaddan ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda iyo lacagta loona keenay in baarlamaanku cod u qaado.

"Ajandaha na horyaalla maanta waa inaan ka doodo dabadeedna codka u qaadno miisaaniyad loogu talogalay inay dowladdu ku shaqeyso bilaha Oktoobar, November iyo Diseembar ee ka haray sannadkan oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda iyo lacagta," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka oo kulanka furayay.

Intaas kaddib waxaa billaabatay doodo ay baarlamaanku ka yeelanayana nuqulada miisaaniyadda oo loo qaybiyay, waxaana ugu dambeyn ay xildhibaannadu isku raaceen in dib loo dhigo ansixinta miinaasiyadda, lana saaro guddi wasaaradda lasoo arka qaabka loo diyaariyay miisaaniyaddan.

Miinaasiyaddan lacageed oo kor u dhaafaysay 37 milyan oo doollarka Mareykanka ah ayaa waxaa horay u soo ansixiyay golaha wasiirrada xukuumaddii waqtigeedu dhammaaday, iyadoo ansixinteeda dib loo dhigay illaa toddobaadka soo socda.

Prof. Jawaari oo ugu dambeyn ka hadlay kulankii baarlamaanka ayaa sheegay inay dib u dhigeen cod u qaadidda miisaaniyaddan illaa maalmaha Axadda iyo Isniinta toddobadka soo socda ayna u saareen guddi gaar ah inay dib eegis ku sameeyaan miisaaniyaddan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya